U bood dhigaalka

Golaha Shacabka oo loo gudbiyey Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed

Ogoosto 24, 2026

Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka u gudbisay Hindise-Sharciyeedka Dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed, kaas oo hadda galaya hannaanka ansixinta dastuuriga ah.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, oo Golaha Shacabka ka hor jeediyey khudbad ku saabsan hindise-sharciyeedka, ayaa sheegay in dhismaha Golaha Culimada Soomaaliyeed uu muhiim u yahay mideynta Culimada Soomaaliyeed, xoojinta doorkooda bulshada iyo horumarinta wada-tashiga u dhexeeya Dowladda iyo Culimada.

Hindise-sharciyeedkan ayaa ka kooban saddex cutub iyo 30 qodob, kuwaas oo qeexaya aasaaska sharciyeed, qaab-dhismeedka, waajibaadka iyo shaqooyinka Golaha Culimada Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay sheegtay in ujeeddada hindise-sharciyeedku tahay in la sameeyo hannaan qaran oo sharciyad iyo isla-xisaabtan leh, kaas oo ka shaqeeya danta dalka, diinta iyo toosinta bulshada.

Intii uu Golaha Shacabka ka hadlayey, Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa tilmaamay in Golaha Culimada Soomaaliyeed uu door muhiim ah ka qaadan karo xoojinta midnimada Culimada, nabadda iyo dib-u-heshiisiinta, iyo xalinta khilaafaadka bulshada.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Golaha uu gacan ka geysan karo wacyigelinta diineed iyo akhlaaqda bulshada, iyo ka hortagga marin-habaabinta diinta iyo afkaarta xagjirnimada wata.

Hindise-sharciyeedka ayaa ka hor inta aan Baarlamaanka loo gudbin soo maray hannaan wadatashi iyo dib-u-eegis sharci, iyadoo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ay hadda ka dalbatay Golaha Shacabka inuu meel mariyo.

Wasiirka ayaa xusay in ansixinta sharcigan ay muhiim u tahay xoojinta doorka Culimada Soomaaliyeed, nabadda, wadajirka bulshada iyo iskaashiga Dowladda iyo Culimada.

Hindise-sharciyeedka ayaa hadda sugaya in Golaha Shacabka uu ka doodo, kadibna uu maro marxaladaha kale ee uu dhigayo hannaanka sharci-dejinta dalka.