U bood dhigaalka

Kenya oo 50% dhimaysa Qiimaha Abuurka Galleyda laga bilaabo Sebtembar

Ogoosto 24, 2026

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa ku dhawaaqay in dowladda ay 50% hoos u dhigi doonto qiimaha abuurka galleyda laga bilaabo bisha Sebtembar 2026, si loo dhiirrigeliyo beeraleyda loona kordhiyo wax-soo-saarka cuntada.

Ruto oo hadalkan ka sheegay munaasabad ka dhacday Taita Taveta ayaa sheegay in qiimaha bacda abuurka galleyda uu ka degi doono 300 Shilin Kenya ah ilaa 150 Shilin, taas oo beeraleyda siinaysa fursad ay ku heli karaan abuur jaban.

Sidoo kale, dowladda Kenya waxay 500 Shilin ka dhimeysaa qiimaha bacda 50kg ee bacriminta, taas oo hadda ku kacda 2,500 Shilin, waxaana laga dhigi doonaa 2,000 Shilin. Isbeddelkan ayaa la filayaa inuu dhaqan galo labada toddobaad ee soo socda.

Go’aankan ayaa yimid xilli Kenya ay wajahday wax-soo-saar galley oo hoos u dhacay, kadib roobabkii oo aan si wanaagsan u da’in meelo badan.

Ruto ayaa beeraleyda ugu baaqay inay ka faa’iideystaan roobabka la filayo bilaha Sebtembar iyo Oktoobar si loo kordhiyo wax-soo-saarka loona xoojiyo sugnaanta cuntada dalka.