Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Puntland ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto kororka weerarrada burcad-badeedda ee ka dhacay xeebaha iyo biyaha Puntland.
Waxa ay sheegtay in xog horudhac ah ay muujinayso in dhinacyo dibadda ah ay isku dayayaan inay dhaqaale ku taageeraan oo dib u hawlgeliyaan shaqsiyaad iyo shabakado horey burcad-badeednimo ula xiriiray.
Puntland waxay sheegtay in arrintan ay saameyn ku yeelan karto amniga iyo sumcadda Puntland, isla markaana ay ka leexin karto dadaallada socda ee lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada.
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in hay’adaha amniga iyo kuwa ilaaliya amniga badda ay baarayaan xogtan, ayna tallaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo lagu helo inay ku lug leedahay amni-darrada badda.
Dhanka kale, Puntland waxay si gaar ah ugu baaqday milkiilayaasha maraakiibta, shirkadaha maraakiibta iyo caymisyada inaysan si toos ah ula xaajoon burcad-badeedda ama bixin madax-furasho, iyadoo sheegtay in lacagahaasi ay sii xoojinayaan shabakadaha burcad-badeedda.
Wasaaradda ayaa ugu dambeyn ugu baaqday bulshada xeebaha, shirkadaha ka howlgala badda iyo hay’adaha caalamiga ah inay la shaqeeyaan Puntland si looga hortago burcad-badeedda loona ilaaliyo maraakiibta iyo isu-socodka badda.