Kala-qaybsanaanta siyaasadeed iyo wada-shaqeyn la’aanta u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada ayaa loo arkaa sababta ugu weyn ee fursadda u siisay kooxihii burcad-badeedda inay dib uga soo kiciyaan howlgalladoodii marin-biyoodka dalka, sida lagu sheegay falanqayn cusub oo ay soo saartay Kooxda Caalamiga ah ee Xasaradaha (ICG).
Falanqeeyaha sare ee Geeska Afrika u qaabilsan ICG, Cumar Maxamuud, ayaa xusay in muranka siyaasadeed ee ku qotoma awood-qaybsiga iyo kheyraadka dalka uu wiiqay isku-dubbaridka amniga badda, taas oo dhalisay dulduleello amni oo ay kooxaha abaabulan ka faa’iideysanayaan. Tan iyo bishii Abriil, kooxahan ayaa gacanta ku dhigay ilaa lix markab oo ganacsi, iyadoo qaar ka mid ah roondooyinkii ilaalada badda loo leexiyay goobo kale sababo la xiriira xaaladaha amni ee waqooyiga dalka iyo maraakiibta oo marinnadoodii u weeciyay dhanka koonfureed.
Warbixintu waxay sidoo kale iftiimisay in xal-u-helidda khatartan aysan ku koobnayn oo keliya kordhinta roondooyinka caalamiga ah ee Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, balse ay si dhow ugu xiran tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka asaasiga ah ee ka jira xeebaha. Kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo xaaladaha adag ee nolosha bulshooyinka deegaanka ayaa lagu tilmaamay qodobbo ay burcad-badeeddu u adeegsadaan sidii ay taageero iyo aqbalaad kaga heli lahaayeen shacabka ku nool magaalooyinka xeebeedka.




From the comments