Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa qorsheynaya inuu kala noqdo fiisooyinka ganacsiga iyo dalxiiska ee ilaa 200,000 oo ajaanib ah oo ku sugan Mareykanka, kuwaas oo codsaday ama hadda raadinaya magangelyo.
Sida ay baahisay Associated Press, qorshahan wuxuu inta badan saameynayaa dadka haysta fiisaha B1 iyo B2, kuwaas oo Mareykanka ku galay safarro ganacsi ama dalxiis, balse markii dambe gudbiyay codsiyo magangelyo.
Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa sheegtay inay la shaqeynayso Waaxda Amniga Gudaha (DHS) si loo aqoonsado dadka fiisooyinka noocan ah ku galay Mareykanka, kadibna dalbaday magangelyo.
Fiisooyinka la qorsheynayo in la laabto ayaa ah kuwa la bixiyay intii u dhaxaysay 2016 iyo 2026. Dowladda Mareykanka ayaa ku doodeysa in fiisaha B1/B2 loogu talagalay booqashooyin muddo kooban ah, halka codsiga magangelyadu uu muujin karo in qofku doonayo inuu dalka sii joogo.
Haddii qorshahan la dhaqan geliyo sida hadda loo qorsheeyay, waxaa la sheegay inuu noqon karo tallaabadii ugu ballaarneyd ee hal mar lagu laalo fiisooyin taariikhda Mareykanka, waxaana la filayaa inuu wajahdo caqabado sharci.
Si kastaba, kala noqoshada fiisaha si toos ah ugama dhigna in qof kasta isla markiiba la tarxiilayo. Dadka qaar ee kiisaskooda magangelyo ay weli socdaan ayaa lumin kara heerka fiisaha B1/B2, iyadoo xaaladdooda socdaalka lagu qiimeyn doono habraacyada kale ee socdaalka.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah siyaasadda ballaaran ee maamulka Trump uu ku adkeynayo nidaamka socdaalka Mareykanka. Bishan Agoosto, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sidoo kale sheegtay in in ka badan 175,000 fiiso hore loo kala noqday sababo la xiriira dambiyo, jebinta shuruucda ama arrimo kale oo la xiriira amniga iyo siyaasadda socdaalka.
From the comments