Qof lagu magacaabo Farxaan Ibraahin Abshir ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray garabka kadib markii xabad si lama filaan ah uga dhacday qori uu watay mid ka mid ah askarta ka howlgasha Saldhigga Booliiska Waabari ee magaalada Muqdisho sida ay shegeen taliska booliska gobolka Benaadir.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Booliiska, dhacdada ayaa abbaaro 20:50 habeenimo ka dhacday gudaha saldhigga, xilli eedaysanaha uu qoriga la qabsaday askariga.
Xabadka ayaa si lama filaan ah uga dhacday qoriga, waxaana ay garabka ka haleeshay Farxaan Ibraahin Abshir, oo Booliisku sheegay in dhaawaciisu yahay mid fudud.




From the comments