Goobjoog

Ciidanka Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Abwaan Jiheeye

Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ayaa lagu eedeeyay inay sii waddo caburin, handadaad iyo tacaddiyo lagula kacayo shacabka, iyadoo maanta xabsiga loo taxaabay Abwaan Jiheeye oo ka mid ah abwaannada caanka ah…

Ciidanka Maamulka Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Abwaan Jiheeye

Xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro ayaa lagu eedeeyay inay sii waddo caburin, handadaad iyo tacaddiyo lagula kacayo shacabka, iyadoo maanta xabsiga loo taxaabay Abwaan Jiheeye oo ka mid ah abwaannada caanka ah ee Soomaaliyeed.

Abwaan Jiheeye oo daris la ah Cabdiraxmaan Cirro ayaa la sheegay in lagu amray inuu ka guuro hoygiisa, kadib markii uu sheegay inuu wajahayo cadaadis iyo cabsi xooggan oo la xiriirta arrin dhuleed.

Abwaanka ayaa sheegay in inta badan dadkii kale ee dariska la ahaa laga iibiyay dhulalkoodii, halka isaga iyo tiro yar oo kale laga maroorsaday dhulkoodii.

Abwaanka oo arrintaas ka falceliyay ayaa tiriyay gabay uu Alle uga dacwoonayo hoggaamiyaha Maamulka Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro, isagoo ka hadlay cabashooyinka iyo cadaadiska uu sheegay inuu kala kulmay arrinta dhulka.

Wax ka yar 24 saacadood gudahood ayaa xabsiga loo taxaabay Abwaan Jiheeye, taasoo timid kadib markii uu si fagaare ah uga hadlay dhibaatada uu sheegay inay ka soo gaartay arrinta gurigiisa iyo dhulkiisa.

Ma ahan markii ugu horreysay ee maamulka Somaliland lagu eedeeyo tacaddi lagula kacay dadka waxgaradka ah, iyadoo hore loo xiray ama loo cadaadiyay culimo, aqoonyahanno iyo wariyayaal.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments