Goobjoog

Garoonka Diyaaradaha Doolow oo Dib Loo Furay Kaddib Laba Sano

Garoonka diyaaradaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa maanta dib loo hawlgeliyay, kaddib markii uu muddo ku dhow laba sano xirnaa, iyadoo duulimaadyadii ugu horreeyay ay si rasmi ah uga…

Garoonka Diyaaradaha Doolow oo Dib Loo Furay Kaddib Laba Sano

Garoonka diyaaradaha magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa maanta dib loo hawlgeliyay, kaddib markii uu muddo ku dhow laba sano xirnaa, iyadoo duulimaadyadii ugu horreeyay ay si rasmi ah uga degeen garoonka.

Xiritaanka garoonka ayaa lala xiriiriyay khilaafyo siyaasadeed oo u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.

Dib-u-furista garoonka ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay bulshada gobolka Gedo, gaar ahaan shacabka Doolow oo muddo dheer ku baaqayay in dib loo bilaabo duulimaadyada.

Doolow oo ku taalla xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ah magaalo istiraatiiji ah oo xiriir la leh isu-socodka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.

Dib-u-howlgelinta garoonka ayaa la filayaa inay fududeyso isu-socodka dadka, ganacsiga iyo isku-xirka bulshada, iyadoo sidoo kale laga rajeynayo inay wax ka tarto dhaqaalaha gobolka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments