Goobjoog

Duulimaadyo Toos ah oo Maanta Ka Billowday Muqdisho iyo Muscat

Shirkadda duulimaadyada ee SalamAir⁠ ayaa maanta oo Khamiis ah, 3-da Sebteembar 2026, si rasmi ah u billowday duulimaadyo toos ah oo isku xiraya magaalooyinka Muqdisho iyo Muscat, caasimadaha Soomaaliya iyo…

Duulimaadyo Toos ah oo Maanta Ka Billowday Muqdisho iyo Muscat

Shirkadda duulimaadyada ee SalamAir⁠ ayaa maanta oo Khamiis ah, 3-da Sebteembar 2026, si rasmi ah u billowday duulimaadyo toos ah oo isku xiraya magaalooyinka Muqdisho iyo Muscat, caasimadaha Soomaaliya iyo Cumaan.

Duulimaadyadan oo ah markii ugu horreysay ee xiriir duulimaad aan joogsi lahayn uu si toos ah u dhex maro Soomaaliya iyo Saldanadda Cumaan, ayaa la qorsheeyay inay dhacaan laba jeer toddobaadkii.

Shirkadda ayaa sheegtay in qiimaha tigidhka hal jiho uu ka bilaabanayo 79.99 Riyaalka Cumaan, iyadoo adeeggan cusub uu sidoo kale rakaabka u fududeynayo inay Muscat uga sii safraan dalal iyo magaalooyin kale oo ku yaalla Bariga Dhexe iyo Aasiya.

SalamAir waxay sheegtay in duulimaadyadan cusub ay xoojin doonaan isu socodka dadka, ganacsiga iyo xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Cumaan, isla markaana ay Abuuri doonaan fursado cusub oo dhinaca ganacsiga iyo safarrada ah.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments