Goobjoog

Masuuliyiin booqday Markabka Dagaalka TCG Göksu oo ku sugan badda Soomaaliya

Wakiillo ka tirsan Dowladda Turkiga ee Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay markabka dagaalka ee TCG Göksu, kaas oo ka tirsan Ciidamada Badda Turkiga. Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay in…

Masuuliyiin booqday Markabka Dagaalka TCG Göksu oo ku sugan badda Soomaaliya

Wakiillo ka tirsan Dowladda Turkiga ee Soomaaliya ayaa booqasho ku tagay markabka dagaalka ee TCG Göksu, kaas oo ka tirsan Ciidamada Badda Turkiga.

Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa sheegtay in booqashada lagu tagay markabka ay fursad u ahayd in si dhow loola kulmo ciidamada badda Turkiga ee saaran markabkaasi.

“Waxaan booqasho ku tagnay markabka dagaalka TCG Göksu, waxaana la kulannay badmaaxiinteena geesiyaasha ah,” ayaa lagu yiri qoraal ay dowladda Turkiga ku baahisay baraha bulshada.

Booqashadan ayaa imaanaysa xilli uu sii xoogeysanayo iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga iyo ciidamada badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

Turkiga ayaa ka mid ah saaxiibada ugu waaweyn ee Soomaaliya ka taageera dib u dhiska iyo horumarinta ciidamada qalabka sida, gaar ahaan ciidamada badda iyo ilaalinta xeebaha dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments