Goobjoog

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi u diray Madaxweynaha Tanzania

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, kadib geerida ku timid seygeeda Hafidh Ameer Hassan. Madaxweyne Xasan…

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi u diray Madaxweynaha Tanzania

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, kadib geerida ku timid seygeeda Hafidh Ameer Hassan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay inuu la wadaagayo murugada Madaxweynaha Tanzania, qoyskeeda iyo shacabka dalka Tanzania xilligan adag.

“Waxaan tacsi qoto dheer u dirayaa Madaxweyne Samia Suluhu Hassan geerida ku timid seygeeda. Soomaaliya waxay garab taagan tahay qoyskeeda iyo shacabka Tanzania xilligan murugada,” ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Alle uga baryay marxuumka inuu ku mannaysto Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Tanzania.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments