Goobjoog

Soomaaliya iyo Suudaan oo Wadahadallo Laba Geesood ah ku Yeeshay Qaahira

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Suudaan, Mudane…

Soomaaliya iyo Suudaan oo Wadahadallo Laba Geesood ah ku Yeeshay Qaahira

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa magaalada Qaahira kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Suudaan, Mudane Muxyadiin Saalim.

Kulanka ayaa ka dhacay hareeraha Kalfadhiga 166-aad ee Caadiga ah ee Golaha Jaamacadda Carabta, kaas oo ka socda magaalada Qaahira ee caasimadda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, iyadoo sidoo kale ay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladaha iyo isbeddellada ka socda gobolka.

Kulanka ayaa lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga labada dal, iyadoo Wasiirradu ay dib u xaqiijiyeen taageerada ay u hayaan madax-bannaanida, midnimada iyo xorriyadda siyaasadeed ee dalalkooda.

Wadahadalladan ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirkeeda dalalka gobolka iyo waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments