Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda dib-u-daahfurka Qorshaha Isbeddelka maamulka Koonfur Galbeed (STP 2026–2031), kaas oo dib-u-eegis lagu sameeyay.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay qorshaha cusub ee qeexaya jihada iyo mudnaanta Koonfur Galbeed ee shanta sano ee soo socota. Qorshahan ayaa xoogga saaraya horumarinta adeegyada bulshada, kobcinta dhaqaalaha, xoojinta hay’adaha dowladda iyo dardargelinta mashaariicda horumarineed.
Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa sheegay in Qorshaha Isbeddelka ee 2026–2031 uu yahay hannaan muhiim ah oo lagu xaqiijinayo himilooyinka Koonfur Galbeed iyo horumar waara oo ka jawaaba baahiyaha shacabka.
Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in qorshayaasha horumarineed lagu saleeyo baahiyaha dhabta ah ee bulshada, isla markaana la xoojiyo wada-shaqeynta dowladda, bulshada rayidka ah, hay’adaha Qaramada Midoobay, bah-wadaagta horumarinta iyo dhammaan dhinacyada ku lugta leh hirgelinta qorshaha.
Qorshaha STP 2026–2031 ayaa mudnaan siinaya xoojinta hay’adaha dowladda iyo maamulka wanaagsan, horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka, kobcinta fursadaha dhaqaale iyo shaqo-abuurka, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo xoojinta adkeysiga bulshada si looga jawaabo caqabadaha bani’aadannimo iyo isbeddelka cimilada.
Munaasabadda, oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qorsheynta maamulka Koonfur Galbeed, ayaa waxaa ka qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno, Agaasimaha Madaxtooyada, Guddoomiyaha Gobolka Baay, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo, lataliyeyaal iyo mas’uuliyiin kale.
Ugu dambeyn, Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah u saxiixay Qorshaha Isbeddelka Dowladda Koonfur Galbeed ee 2026–2031.
From the comments