Goobjoog

Soomaaliya iyo FAO oo xoojinaya iskaashiga horumarinta kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

Rome, Talyaaniga – 9 Sebteembar 2026: Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa magaalada Rome kulan heer sare ah kula yeeshay Agaasimaha Guud…

Soomaaliya iyo FAO oo xoojinaya iskaashiga horumarinta kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah

Rome, Talyaaniga – 9 Sebteembar 2026: Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Xasan Aadan, ayaa magaalada Rome kulan heer sare ah kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Dr. Qu Dongyu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo FAO ee dhinacyada horumarinta kalluumeysiga, ilaalinta khayraadka badda iyo dardargelinta qorshayaasha la xiriira Dhaqaalaha Buluugga ah.

Wasiirka ayaa sheegay in horumarinta kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ay ka mid yihiin mudnaanta dowladda Soomaaliya, isla markaana ay door muhiim ah ku leeyihiin Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee 2025–2029.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay Barnaamijka Isbeddelka Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya, kaas oo lagu doonayo in la isku xiro cilmi-baarista, xogta kalluumeysiga, maaraynta waarta ee khayraadka badda, maalgashiga, shaqo-abuurka, sugnaanta cuntada iyo horumarinta nolosha bulshooyinka ku nool xeebaha dalka.

Mid ka mid ah qodobada muhiimka ah ee kulanka ayaa ahaa baahida loo qabo in Soomaaliya hesho xog cilmiyeed oo lagu kalsoonaan karo, si loo qiimeeyo khayraadka kalluunka iyo noocyada mudnaanta leh ee ku jira badaha Soomaaliya.

Barnaamijka qiimeynta kaydka kalluunka ayaa la filayaa inuu kor u qaado awoodda dalka ee go’aaminta ruqsadaha kalluumeysiga, qoondada kalluunka la qaban karo, tallaabooyinka ilaalinta iyo maaraynta waarta ee khayraadka badda.

Wadahadallada ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay dardargelinta hirgelinta Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumeysiga (FIMS), kaas oo lagu hagaajinayo xog ururinta kalluunka la soo qabto, warbixinnada elektaroonigga ah, xogta maraakiibta iyo raadraaca wax-soo-saarka kalluumeysiga.

Waxaa kale oo xoogga la saaray xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada, si loo helo nidaam mideysan oo lagu maareeyo xogta iyo khayraadka kalluumeysiga.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dagaalka ka dhanka ah kalluumeysiga sharci-darrada ah, jilaabashada aan la soo sheegin iyo kalluumeysiga aan nidaamsanayn, oo loo yaqaan IUU Fishing.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ayaa FAO ka codsaday inay ballaariso taageerada farsamo ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dabagalka iyo kormeerka maraakiibta, fulinta shuruucda, diiwaangelinta doomaha iyo maraakiibta, baaritaannada dekedaha iyo wadaagga macluumaadka ee heer gobol.

Labada dhinac ayaa sidoo kale soo jeediyay in la dhiso guddi-hawleed wadajir ah oo u dhexeeya Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah iyo FAO, kaas oo ka shaqeyn doona diyaarinta qorshayaal iyo barnaamijyo lagu horumarinayo khayraadka badda iyo maalgelinta waaxda kalluumeysiga.

Kulankan ayaa muujinaya dadaallada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha waax kalluumeysi oo casri ah, cilmi iyo xog ku dhisan, isla markaana waarta.

Horumarinta waaxdan ayaa la filayaa inay Soomaaliya ka caawiso soo jiidashada maalgashiga, abuurista fursado shaqo, xoojinta sugnaanta cuntada, kordhinta dhoofka kalluunka iyo horumarinta nolosha bulshooyinka ku nool deegaannada xeebaha dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments