Goobjoog

Soomaaliya iyo UNOPS oo kala saxiixday Heshiiska Dalka Martida loo yahay

Muqdisho, Soomaaliya – 9 Sebteembar 2026: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS) ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Heshiiska Dalka Martida loo yahay (Host…

Soomaaliya iyo UNOPS oo kala saxiixday Heshiiska Dalka Martida loo yahay

Muqdisho, Soomaaliya – 9 Sebteembar 2026: Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Adeegyada Mashaariicda (UNOPS) ayaa maanta magaalada Muqdisho ku kala saxiixday Heshiiska Dalka Martida loo yahay (Host Country Agreement).

Heshiiska ayaa waxaa xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ku saxiixay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali.

Dhinaca UNOPS, heshiiska waxaa saxiixa loogu soo bandhigay Agaasimaha UNOPS ee Soomaaliya, Mudane Ala’a Nemer, isaga oo matalaya Agaasimaha Fulinta ee UNOPS, Jorge Manuel Lopes Moreira da Silva.

Heshiiskan ayaa si rasmi ah u nidaaminaya qaabka ay UNOPS uga hawlgasho Soomaaliya iyo hab-raacyada lagu maamulayo joogitaankeeda iyo shaqadeeda dalka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa sheegtay in heshiisku uu ka tarjumayo sida Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay in hay’adaha Qaramada Midoobay ee dalka ka shaqeeya lagu saleeyo heshiisyo iyo nidaamyo rasmi ah oo ixtiraamaya lahaanshaha iyo hoggaanka qaranka.

Heshiiska cusub ayaa sidoo kale xoojinaya xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNOPS, iyadoo la filayo inuu fududeeyo howlaha hay’adda ee la xiriira taageerada mashaariicda iyo adeegyada ay ka fuliso Soomaaliya.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments