Gabiley, 9 Sebteembar — Booliska Somaliland ayaa galabnimadii maanta magaalada Gabiley ku xiray wariye Xasan Saleebaan Haaruun, oo loo yaqaanno Xasan Gallaydh. Wariyaha ayaa la qabtay isaga oo ku sugnaa xaflad qalin-jebin ah oo ka socotay Jaamacadda Timacadde.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in xarigga wariyaha uu la xiriiri karo warbixin uu dhowaan ka diyaariyey xaaladda nololeed iyo waxqabadka xukuumadda Somaliland. Warbixintaas ayaa lagu soo qaaday sicir-bararka, adeegga korontada, xaaladda caafimaadka iyo arrimo kale oo bulshada saameynaya.
Warbixinta uu wariyuhu baahiyey ayaa sidoo kale looga hadlay xarigga wariye Cabdiqani Baylood. Hase yeeshee, weli si madax-bannaan looma xaqiijin in arrimahaas ay yihiin sababta rasmiga ah ee loo xiray Xasan Gallaydh.




From the comments