Badhan, 13 Sebteembar — Maamulka Puntland ayaa magaalada Badhan ka bilaabay tallaabooyin cusub oo lagu xakameynayo hubka, kaddib iska-horimaad ay laba qof ku dhinteen, saddex kalena ku dhaawacmeen. Qof kasta oo hub ku dhex sita magaalada ama wata gaari ciidan oo aan ka diiwaangashanayn laamaha amniga ayaa la sheegay in la qaban doono.
Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Amniga Puntland ee dhinaca Difaaca, Fu’aad Xaanano, ayaa sheegay in amarkan lagu go’aamiyey kulan amni oo looga hadlay shaqaaqadii ugu dambeysay iyo xaaladda xasaasiga ah ee ka dhalatay. Ujeeddada ayaa lagu sheegay in hubka sharci-darrada ah laga fogeeyo magaalada, lagana hortago rabshado kale.
Ciidamada amniga ayaa la faray inay gacanta ku dhigaan dadka jebiya amarka iyo gaadiidka ciidan ee aan ka tirsanayn hay’adaha rasmiga ah. Dadka la qabto ayaa lagu wareejin doonaa hay’adaha sharciga, inkastoo aan weli la shaacin ciqaabta lagu mutaysan karo jebinta go’aanka.




From the comments