Goobjoog

Soomaaliya iyo Midowga Afrika Oo Ka Wada Hadlay Xoojinta La-dagaallanka Argagixisada

Xafiiska La-taliyaha Amniga Qaranka iyo Xarunta Midowga Afrika ee Cilmi-baarista iyo La-dagaallanka Argagixisada—ACSRT—ayaa Muqdisho ku soo gabagabeeyey wada-tashiyo socday laba maalmood.

Kulamada waxaa lagu qiimeeyey xaaladda amniga iyo baahiyaha hay’adaha dowladda ee ka hortagga argagixisada.

Wada-tashiyada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika, gaar ahaan ilaalinta xuduudaha iyo xog-is-weydaarsiga sirdoonka. Waxaa sidoo kale laga hadlay sidii loo xakameyn lahaa dhaqdhaqaaqa dagaalyahannada iyo gudbinta hubka sharci-darrada ah ee xuduudaha.

Dhinacyadu waxay falanqeeyeen maamulka socdaalka iyo tayeynta awoodda saraakiisha ka howlgasha garoomada diyaaradaha iyo marin-xuduudeedyada.

Ujeeddadu waxay ahayd in hay’adaha Soomaaliyeed loo diyaariyo nidaamyo casri ah oo lagu baaro xogta laguna aqoonsado khataraha amni.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments