U bood dhigaalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo qaabilay Danjiraha Masar iyo wafdi saraakiil ciidan

Sebteembar 20, 2026

Muqdisho, 20 Sebtembar 2026: Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Carabta Masar u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Salaax Keshtah, iyo wafdi saraakiil ciidan ah oo booqasho ku jooga dalka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dhinaca difaaca iyo milatariga ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo khuseeya iskaashiga labada dal.

Wafdiga saraakiisha Masar ayaa sidoo kale booqasho ku jooga Soomaaliya, iyadoo kulamadooda ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha difaaca ee labada dal.

Kulanka ayaa kusoo beegmaya xilli Soomaaliya iyo Masar ay leeyihiin xiriir iskaashi oo dhinacyo badan leh, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca iyo tababarrada ciidamada.