U bood dhigaalka

Pope-ka Kaniisadda Kaatooliga ah oo ku baaqay in la taageero Soomaaliya, isagoo walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadannimo

Sebteembar 21, 2026

Pope-ka kaniisadda kaatooligga ah Pope Leo XIV ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta qeybo ka mid ah Soomaaliya, isagoo ku baaqay in bulshada caalamku si degdeg ah uga jawaabto baahiyaha sii kordhaya ee shacabka Soomaaliyeed.

Pope-ka ayaa hadalkan jeediyay Axaddii xilli uu dadka kula hadlayay munaasabadda Angelus ee ka dhacday Fagaaraha St. Peter’s Square ee Vatican-ka. Wuxuu sheegay inuu si weyn ula socdo xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, isagoo xusay in rabshadaha iyo xaaladaha cimilo ee daran ay sii xumeynayaan duruufihii nololeed ee adkaa ee ay horay u wajahayeen dadka, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Pope Leo XIV ayaa ugu baaqay bulshada caalamka inay bixiso jawaab deeqsinimo leh, si dadka Soomaaliyeed ee ay xaaladdu saameysay ay u helaan gargaarka iyo adeegyada ay u baahan yihiin.

Baaqan ayaa kusoo beegmaya xilli hay’adaha Qaramada Midoobay ay hoos u dhigeen gargaarkii bani’aadannimo ee Soomaaliya sababo la xiriira dhaqaale yari.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku-duwidda arrimaha bani’aadannimada (OCHA) ayaa sheegay in kaliya ku dhowaad saddex-meelood meel miisaaniyadda uu u baahnaa la maalgeliyey.

Sidoo kale, Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa hoos u dhigay tirada dadka uu Soomaaliya ka caawiyo dhinaca cuntada. Sida warbixintu sheegtay, tirada dadka ka faa’iideysanayay gargaarka cuntada ayaa hoos uga dhacday qiyaastii laba milyan oo qof, iyadoo sannadka 2026 la gaarsiiyey ku dhowaad 600,000 oo qof.

Dhanka kale, roobabka sannadka 2026 ayaa si weyn uga hooseeyay celceliskii caadiga ahaa qaybo badan oo gobolka ah, taasoo qoysas badan ku qasabtay inay xoolahooda u raraan deegaano kale oo ay ka heli karaan biyo iyo daaq.

Hay’adda Médecins Sans Frontières (MSF) ayaa iyaduna ugu baaqday deeq-bixiyeyaasha inay taageeraan dib-u-soo-celinta iyo ballaarinta adeegyada caafimaadka aasaasiga ah iyo kuwa nafaqada ee gobolka Mudug. Sida lagu sheegay warbixinta, in ka badan 70 xarumood oo caafimaad ayaa halkaas lagu xiray sababo la xiriira yaraanta maalgelinta.

Xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya waxaa sidoo kale sii adkeeyay colaadaha iyo amni darrada daba-dheeraatay, ayadoo meelo qaar dadku ay wajahayaan colaado gudaha ah tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee 1991.