Dhuusamareeb – Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, halkaas oo ay uga qeybgalayaan Shirweynaha Arrimaha Bani’aadannimada oo maalmaha soo socda ka furmaya magaalada.
Wafdiga maanta gaaray Dhuusamareeb waxaa ka mid ah Senator Layla Ismaaciil Axmed iyo Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Koonfur Galbeed, Cabdirinaasir Cabdi Caruush, kuwaas oo ka mid ah mas’uuliyiinta ka qeybgalaya shirweynaha.
Wafdigan ayaa hordhac u ah wafdi kale oo heer sare ah oo la filayo inay magaalada soo gaaraan maalmaha soo socda, si ay uga qeybqaataan shirweynaha oo la qorsheeyay inuu furmo Khamiista.
Shirweynaha oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa halku-dhiggiisu yahay “U Diyaargarowga Musiibooyinka iyo Dhisidda U Adkeysiga, Xoojinta Gurmadka, Sugnaanta Biyaha iyo La-qabsiga Isbeddelka Cimilada ee Soomaaliya.”
Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda bani’aadannimo ee dalka, xoojinta u diyaargarowga iyo gurmadka musiibooyinka, sugnaanta biyaha, iyo sidii loo dhisi lahaa awoodda bulshada Soomaaliyeed ee la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.
Shirweynahan ayaa la filayaa inuu isu keeno mas’uuliyiin ka socda Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, hay’adaha gargaarka iyo dhinacyada kale ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada, si looga wada hadlo xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha bani’aadannimo ee dalka ka jira.
From the comments