Muqdisho, 23 Sebtembar 2026 — Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay Kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 18-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Xildhibaanada ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka, waxaana oggolaaday 140 xildhibaan, iyadoo uusan jirin xildhibaan diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Golaha Shacabka ku ansixiyey hindise sharciyeedka.
Sidoo kale, Golaha ayaa Akhrinta Saddexaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, iyadoo warbixinta hindisaha uu Golaha ka hor akhriyey Guddoomiyaha Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.




From the comments