Urur-goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho ka bilaabay barnaamij lagu xoojinayo doorka haweenka Soomaaliyeed ee nabad-dhisidda, xalinta khilaafaadka iyo ka qaybgalka geeddi-socodka hoggaaminta iyo go’aan-qaadashada.
Tababarka oo soconaya muddo saddex maalmood ah waxaa ka qaybgalaya ku dhowaad 20 haween ah, kuwaas oo isugu jira hoggaamiyeyaal dumar ah iyo xubno ka tirsan guddiyada nabadda ee deegaanka.
Barnaamijkan waxaa IGAD iska kaashanaya Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya, waxaana lagu tababarayaa ka qaybgalayaasha xirfado ay ka mid yihiin falanqaynta khilaafaadka, dhexdhexaadinta, wada-xaajoodka, fududeynta wadahadallada, hoggaaminta, u doodista iyo nabad-dhisidda ku salaysan bulshada.
Tababarku wuxuu qayb ka yahay mashruuca Building Women’s Economic Resilience for Sustainable Peace (BWERSP), kaas oo ay maalgeliso Bangiga Horumarinta Afrika.
IGAD ayaa sheegtay in dadaalkan uu diiradda saarayo sidii haweenka loogu kordhin lahaa ka qaybgalka dadaallada nabadda iyo hababka go’aan-qaadashada, maadaama haweenka Soomaaliyeed ay muddo dheer door muuqda ku lahaayeen xalinta khilaafaadka bulshada, inkastoo fursadaha ay ku galaan qaab-dhismeedyada rasmiga ah ee nabad-dhisidda ay xaddidnaayeen.
Barnaamijkan ayaa sidoo kale lagu daray haweenka ka soo jeeda bulshooyinka ay saameeyeen colaadaha iyo barakacu, sida haweenka barakacayaasha ah, dadka dib ugu soo laabtay deegaanadooda iyo hoggaamiyeyaasha bulshada.
Tababarkan ayaa daba socda kulan kale oo IGAD ay Muqdisho ku qabatay bishii Luulyo, kaas oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin dowladeed, guddiyada nabadda ee haweenka, kooxaha dhallinyarada, odayaasha dhaqanka, culimada iyo dhinacyada kale ee ka shaqeeya nabad-dhisidda.
Ujeeddada barnaamijka cusub ayaa ah in la xoojiyo xiriirka u dhexeeya hindisayaasha nabadda ee ay hoggaamiyaan haweenka, hay’adaha dowladda iyo ururrada bulshada, iyadoo Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo xalinta khilaafaadka iyo dib-u-heshiisiinta ee heer deegaan.
Dadaalkan wuxuu sidoo kale qayb ka yahay hirgelinta ajendaha Haweenka, Nabadda iyo Ammaanka (Women, Peace and Security) ee IGAD, kaas oo diiradda saaraya kordhinta ka qaybgalka haweenka ee nabad-dhisidda iyo go’aan-qaadashada guud ahaan gobolka.