U bood dhigaalka

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Booqday Dadkii Ku Waxyeelloobay Weerarkii Baydhabo

Sebteembar 30, 2026

Baydhabo, 30 Sebtembar 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa Isbitaalka Guud ee Gobolka Baay ku booqday qaar ka mid ah shacabka ku waxyeelloobay weerarkii ka dhacay magaalada Baydhabo.

Hoggaamiyaha ayaa maamulka iyo dhakhaatiirta isbitaalka ka dhageystay warbixin ku saabsan xaaladda caafimaad ee dhaawacyada iyo daryeelka caafimaad ee loo fidinayo.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa dhaawacyada iyo ehelladooda u muujiyey garab istaag iyo taageero, isagoo Alle uga baryay dadka dhaawacmay inuu caafimaad degdeg ah siiyo, halka dadka ku geeriyoodayna uu u rajeeyay naxariistiisa.

Hoggaamiyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhaawacyada xaaladdoodu culus tahay, kuwaas oo aan adeegyada caafimaad ee Baydhabo wax looga qaban karin, loo qaadi doono Muqdisho, si halkaasi loogu helo daryeel caafimaad oo dheeraad ah.

Sheekh Aadan ayaa intii uu booqashada ku guda jiray adkeeyey in Dowladda Koonfur Galbeed ay sii wadi doonto dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo badbaadada shacabka, iyadoo ciidamada ammaanka ay sii wadaan howlgallada lagu sugayo amniga magaalada Baydhabo iyo ka hortagga falalka Al-Shabaab.