U bood dhigaalka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo bogaadiyey shacabka ka qeyb galay doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabeelle

Sebteembar 30, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed ee maanta ka qeyb qaatay doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ee dowlad-goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin muhiim ah oo ka mid noqonaysa sooyaalka dimuqraadiyadda Soomaaliya, kaddib markii shacabka gobollada Mudug, Galguduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay si nabad ah ugu dareereen goobaha codbixinta.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah u ammaanay kumannaanka muwaadiniinta ah ee gutay xaqooda dastuuriga ah ee codbixinta, isagoo tilmaamay in ka qaybgalka shacabka uu door muhiim ah ka qaadanayo xoojinta dowladnimada, dimuqraadiyadda iyo matalaadda shacabka.

Sidoo kale, Xasan Sheekh ayaa mahadnaq u jeediyay ciidamada ammaanka Soomaaliyeed oo sugay amniga goobaha codbixinta iyo shacabka, isagoo sheegay in doorashooyinka lagu qabtay jawi nabdoon, xasilloon oo ammaan ah.

Madaxweynaha ayaa xusay in doorashooyinkan ay muujinayaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan dhismaha dowladnimo loo dhan yahay, xoojinta nabadda iyo hirgelinta hannaan siyaasadeed oo ku salaysan rabitaanka shacabka.

Doorashooyinka Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa qayb ka ah geeddi-socodka dalka loogu gudbinayo hannaan doorasho oo toos ah iyo xoojinta hay’adaha dimuqraadiyadeed.