U bood dhigaalka

Sooyaal: Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye)

Ciise Cabdi
Qeybta: Dawladnimada & Arrimaha Bulshada
Oktoobar 1, 2026

14 sano ayaa laga joogaa markii, 01dii Sibteenbar sannadkii 2012kii, uu dalka Norway ku geeriyooday, Alle ha u naxariistee, macallin iyo abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).

Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye) wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1949kii. Waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sare wuxuu ku qaatay magaalooyinka Hargeysa iyo Sheekh. Dabadeed wuxuu galay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada jaamacadda.

Waxbarashadiisii ka dib, wuxuu ka mid noqday macallimiintii wax ka dhigi jiray Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Kulliyaddii Waxbarashada ee Lafoole. Waxa kale oo uu wax ka dhigay jaamacadaha Cammuud iyo Hargeysa, isaga oo dhigi jiray af Soomaaliga iyo suugaantiisa. Sidoo kale, wuxuu ka soo shaqeeyay Akadeemiyadii Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta. Marka laga yimaaddo curinta suugaanta, wuxuu waqti iyo dadaal badan geliyay horumarinta af Soomaaliga iyo xeerarkiisa naxwaha, isaga oo kaalintiisa ku darsaday kobcinta afka iyo dhaxalsiinta aqoonta suugaaneed.

Gaarriye wuxuu ahaa mufakar hal-abuurkiisa u adeegsan jiray nabadaynta bulshada, garaadkobcinteeda iyo baraaruggeeda aqooneed. Suugaantiisa badda ah waxaa tusaale looga soo qaadan karaa maansada Ergo, oo uu ku muujinayay khasaaraha dagaalka sokeeye iyo sida kii wax dila iyo kii la dilaba uusan midkoodna lib dhab ah uga helayn colaadda.

Maansadaas wuxuu Gaarriye ku milicsanayaa waaqaca dagaalka sokeeye, isaga oo su’aalgelinaya waxa dhab ahaan laga dheefi karo colaad ehel iyo xigaal dhexdooda ka dhacda. Hal-abuurku halkan wuxuu uga gudbayaa curin suugaaneed oo keliya, wuxuuna noqonayaa farriin bulsheed oo ku saabsan aayaha, nabadda iyo masuuliyadda jiilasha.

Mar kale, isaga oo muujinaya qabyaaladda Soomaalida ku baahday iyo in sheegashada “reer Hebel” aysan keligeed macne samaynayn, ayse macne leedahay in qofku la wadaago dadka kale yool, isfahan iyo waxqabad, ayuu yiri:

“Abkuu doono ha sheegto’e

Wuxuun baa ehel ii ah

Dad ninkaan af aqaanee

Si wax iila arkaayee

Na midaysow ujeeddo.”

Meerisyadani waxay muujinayaan habfikir bulsheed ay ehelnimadu kaga ballaaran tahay dhalasho iyo tol keliya, kuna dhisan tahay afgarad, ujeeddawadaag iyo waxwadaqabsi.

Qaar ka mid ah maansooyinkii Abwaan Gaarriye

Maansadii Dood

Maansadii Ergo

Maansadii Gurmad

Maansadii Garnaqsi

Maansadii Qasab kuma Balweyn Karo

Maansadii Hagarlaawe

Maansadii Fadgalbeed

Gaarriye iyo saaxiibkiisii suugaanta Hadraawi, Alle ha u wada naxariistee, waxay ka mid noqdeen tiro abwaanno ah oo cadaadis kala kulmay nidaamkii Kacaanka, isla markaana curin jiray suugaan maldahan oo ay kaga dhaliilayeen nidaamkaas. Suugaantu sidaas ayay ugu noqotay goob ay fekerka, naqdinta iyo baraarugga bulsheed isku haleelaan.

Gaarriye wuxuu markii danbe ku biiray jabhaddii SNM, isaga oo dhinacaas door weyn kaga lahaa guubaabada iyo kutaagnaanshaha fikirkaas.

Markii dambe ayuu qurbaha u wareegay, wuxuuna halkaas ka sii waday curintii suugaanta iyo wacyigelinta bulshada. Qurbuhu sidaas uguma noqon kalago’ suugaaneed; wuxuu hal-abuurkiisii ka sii ambaqaaday meel ka baxsan dalkii uu ku soo hanaqaaday. Waxa uu ku guulaystay billado caalami ah, waxaana suugaantiisa in badan lagu turjumay afaf qalaad, taas oo hal-abuurkiisa u furtay aafaaq ka ballaaran geyiga Soomaalida.

30kii Sibteenbar 2012 ayuu ku geeriyooday dalka Norway.

Gaarriye wuxuu ka tegay dhaxal suugaaneed iyo raad aqooneed oo ku suntan af Soomaaliga, maansada, fikirka bulshada iyo baraarugga ummadda. Waxsoosaarkiisu wuxuu weli qayb ka yahay xusuusta suugaaneed ee Soomaalida, jiilba jiilkana waxaa looga sii ambaqaadaa af, suugaan iyo feker.

Alle ha u naxariisto Macallin iyo Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaarriye).