Masar ayaa dalkeeda ka eriday diblomaasi Itoobiyaan ah, iyadoo tallaabadan lagu tilmaamay jawaab-celin kadib markii Itoobiya saacado ka hor ay diblomaasi Masri ah ku dhawaaqday inuu yahay persona non grata, isla markaana siisay 48 saacadood inuu dalka uga baxo.
War ka soo baxay Qaahira ayaa lagu sheegaya in Masar ay diblomaasiga Itoobiyaanka ah, oo ah la-taliye ka tirsan safaaradda Itoobiya ee Qaahira, ku dhawaaqday inuu yahay qof aan dalka looga baahnayn, iyadoo loo qabtay muddo 48 saacadood ah inuu dalka uga baxo.
Tallaabadan ayaa timid wax yar kadib go’aankii Addis Ababa ay ka qaadatay diblomaasi Masri ah, ayadoo maalintii Khamiista, 1-da Oktoobar, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ay si rasmi ah safaaradda Masar ee Addis Ababa ugu wargelisay in Ahmed Moharam Ahmed Soliman, oo ka tirsan shaqaalaha diblomaasiyadda Masar, lagu dhawaaqay persona non grata oo looga baahan yahay inuu Itoobiya ka baxo 48 saacadood gudahood.
Itoobiya waxay sheegtay in go’aanka lagu qaaday iyadoo la raacayo Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed, balse warbixinta rasmiga ah ma aysan faahfaahin sababta gaarka ah ee diblomaasiga loo eryay, inkastoo xiisadda labada dhinac ay salka ku hayso dagaalka waqooyiga Itoobiya oo dalal ay masar kamid tahay ay Addis ababa ku eedaysay inay kaalin ku leeyihiin.
Masar ayaa tallaabada Itoobiya u aragtay mid aan loo baahnayn, iyadoo ilo xog-ogaal ah oo Masri ah ay sheegeen in Qaahira ay si joogto ah u diiddo faragelinta arrimaha gudaha ee dalalka kale, ayna sheegtay inay ixtiraamto sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Is-weydaarsiga diblomaasiyiinta la eryayo wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ka dhex jira Itoobiya, Masar iyo Eritrea. Isla maalintii ay Itoobiya eriday diblomaasiga Masriga ah, Addis Ababa waxay sidoo kale ku dhawaaqday inay xirayso safaaraddeeda ku taalla Asmara, iyadoo dalka ka eriday 10 diblomaasi Eritrean ah oo ay ku eedeysay inay ku lug lahaayeen hawlo ay Itoobiya ku tilmaantay khatar toos ah oo ku wajahan amniga qarankeeda.
Eritrea ayaa ayaduna markii dambe ku dhawaaqday inay jareyso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Itoobiya, ayadoo tallaabooyinka is-daba-joogga ah ee Addis Ababa iyo Qaahira ay muujinayaan in xiriirka labada dal uu galay marxalad xasaasi ah.