U bood dhigaalka

Xusuusta Qaraxii Hargaha iyo Saamaha

Aw Dacar
Qeybta: Amniga iyo Dawladdhiska
Oktoobar 4, 2026

Shan iyo toban sano ayaa ka soo wareegtay qaraxii bahalnimada ahaa ee 4tii Oktoobar 2011 lala beegsaday xaruntii hore ee Wakaaladda Hargaha iyo Saamaha ee magaalada Muqdisho, kaas oo raad taariikheed ku reebay xusuus-wadareedka bulshada Soomaaliyeed. Weerarkaas, oo ay ku naf waayeen dad ku dhow boqol qof, una badnaa arday, waalidiin iyo dad rayid ah, ayaa ka mid noqday dhacdooyinkii ugu murugada badnaa ee sooyaalka Soomaaliya, gaar ahaan xilligii uu dalku la daalaa dhacayay colaadaha daba dheeraaday iyo duruufihii adkaa ee ka dhashay. Wuxuu qayb ka noqday taariikh ummadeed ay hareeyeen ba’ iyo hoog.

Subaxnimadii Talaadada ee 4tii Oktoobar 2011, abaare tobankii iyo barkii barqannimo, ayaa gaari xamuul ah oo nooca candhameydlaha (DYNA) loo yaqaanno, lagana soo buuxiyay walxaha qarxa iyo shidaal, lala beegsaday Xaruntii Hore ee Wakaaladdii Hargaha iyo Saamaha, oo ku dhow isgoyska Lanbar 4 (KM4), kana soo horjeedday Xarunta Denbibaarista (CID). Gaariga ayaa ku qarxay barta koontaroolka ee laga ilaaliyo dhismaha, halkaas oo xilligaas ay ku shaqaynayeen wasaarado ka tirsanaa Dawladdii Kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya, kuwaas oo tiradooda warbixinnada qaarkood ku sheegeen illaa siddeed wasaaradood, ayna ka mid ahayd Wasaaradda Waxbarashadu.

Xaruntu waxay maalintaas ahayd meel aad u mashquul badan, maaddaama ay u soo kallaheen boqollaal arday iyo waalidiin doonayay in ay ogaadaan natiijadii imtixaanka deeqaha waxbarasho ee Dawladda Turkigu ugu talagashay ardayda Soomaaliyeed. Dhallinyaradaasi waxay rejaynayeen in ay helaan fursad ay waxbarashadooda ku sii wataan, aqoonna ku soo kororsadaan, mustaqbalkoodana ku dhisaan, kuna xaqiijiyaan himiladoodii aqoonkororsiga, garaad-kobcinta iyo hanaqaadka. Hasayeeshee, rejadii iyo himiladii aqooneed ee ay xambaarsanaayeen ayaa daqiiqado gudahood isu beddelay masiibo, ba’ iyo hoog, markii qaraxa xooggiisu gilgilay dhismayaashii xarunta iyo goobihii ka ag dhawaa.

Qaraxa ayaa burbur baaxad leh gaarsiiyay dhismaha xarunta, waxaana dumay qaybo ka mid ah derbiyadii iyo saqafyadii, iyada oo burburku haleelay dadkii ku sugnaa gudaha dhismaha iyo kuwii marayay waddada hortiisa. Baabuur ayaa dab qabsaday, halka dad kalena ay ku hoos xannibmeen dhismayaashii dumay, taas oo sii kordhisay mugga iyo baaxadda dhibaatada.

Gurmadkii loo fidiyay dadkii waxyeelladu gaartay ayaa durba billowday, iyada oo la guda galay hawlihii badbaadinta iyo samatabbixinta, waxaana isbitaallada Muqdisho buux dhaafiyay dhaawacyadii la soo gaarsiinayay iyo eheladii baadigoobayay dadkooda. Waalidiin, walaalo iyo qaraabo ayaa isbitaallada iyo goobta qaraxa ugu kala cararay sidii ay war uga heli lahaayeen dadkii ay filayeen in ay maalintaas xarunta tagaan, iyaga oo la daalaa dhacayay murugo, walaac iyo dareen naxdin leh.

Warbixinnadii xilligaas la baahiyay waxay muujiyeen baaxadda khasaaraha nafeed, waxayna noqdeen qayb ka mid ah diiwaanka iyo raadraaca dhacdadaas taariikheed. Tirakoobyadii hordhaca ahaa ayaa kala duwanaa, hasayeeshee xogihii markii dambe la diiwaangeliyay waxay sheegeen in ugu yaraan boqol qof ay ku dhinteen qaraxa, halka ugu yaraan 90 kalena ay ku dhaawacmeen. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba waxaa ku badnaa ardaydii deeqaha waxbarasho sugaysay, waalidiintoodii iyo dad kale oo rayid ahaa. Warbixin maxalli ah oo la baahiyay 6dii Oktoobar 2011 ayaa tirada ardaydii qaraxa ku dhimatay ku sheegtay 45 arday, inkasta oo aan si madaxbannaan loo xaqiijin tirada gaarka ah ee ardaydaas.

Burburka dhismayaasha ayaa, sidoo kale, adkeeyay hawlihii samatabbixinta iyo soo saarista meydadka, kuwaas oo u baahday dadaal, raadraac iyo baadigoob joogto ah. Waxaa hawlaha gurmadka loo adeegsaday qalab culus iyo cagafyo lagu qaadayo burburka dhismayaasha. Hawshaasi kuma soo afjarmin maalintii qaraxu dhacay oo keliya, balse waxay sii socotay maalmihii xigay, iyada oo dad la la’aa iyo meydad kale laga raadinayay dhismayaashii dumay.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa 9kii Oktoobar 2011, shan maalmood ka dib qaraxa, weli tebaysay in meydad laga soo saarayo burburka xarunta Hargaha iyo Saamaha. Taasi waxay muujinaysay baaxadda burburkii dhacay iyo dhibaatadii haysatay kooxihii gurmadka iyo qoysaskii dadkooda baadigoobayay. Waxay sidoo kale marag u ahayd mugga masiibada iyo ba’ iyo hooggii maalintaas dhacay.

Masuuliyadda Weerarka iyo Ujeeddadiisii

Masuuliyadda weerarkaas waxaa sheegatay kooxda argaggaxisada ah ee al-Shabaab. Afhayeenkeedii, Cali Maxamuud Raage (Cali-Dheere), ayaa shaaciyay in qaraxa ay kooxdiisu fulisay, waxaana ay weerarka ku tilmaantay mid lala beegsaday xarumaha Dawladdii Kumeelgaarka ahayd iyo ciidammadii ka hawlgalayay.

Al-Shabaab ayaa, sidoo kale, sheegtay in qofkii gaariga isku qarxiyay lagu magacaabi jiray Bishaar Cabdullaahi Nuur, kaas oo, sida ay warbixinnadii xilligaas tilmaameen, hore u duubay farriin uu ku muujinayay aragtidiisa ka dhanka ah waxbarashada uu ku tilmaamay mid aan diini ahayn. Weerarkaas ayaa soo jiitay canbaarayn xooggan oo uga timid Dawladdii Soomaaliyeed, Qaramada Midoobay, Dawladda Turkiga, hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo dalal kale oo caalamka ka tirsan. Canbaarayntaasi waxay muujinaysay dareenka iyo walaaca laga qabay dhibaatada gaartay dadka rayidka ah.

Gaar ahaan, Hay’adda Human Rights Watch ayaa qaraxa ku tilmaantay weerar aan cudurdaar loo heli karin oo lagu waxyeelleeyay dad rayid ah, oo noqday dhibbanayaasha masiibadaas. Hay’addu waxay sidoo kale ku xustay warbixinnaheeda dhibaatadii xilligaas loo geysanayay waxbarashada Soomaaliya, oo ay ka mid ahaayeen weerarro lagu qaaday xarumo waxbarasho, arday iyo macallimiin. Warbixinnadaasi waxay qayb ka noqdeen diiwaanka iyo maragfurka dhibaatadii xilligaas dhacday.

Isbeddelkii Xeeladaha Dagaal ee Al-Shabaab

Marka laga yimaaddo khasaaraha nafeed iyo burburkii hantiyeed, qaraxii Hargaha iyo Saamaha wuxuu muujiyay isbeddel ku yimid xeeladihii dagaal ee Al-Shabaab, waana ifafaale mudan milicsi iyo dhiraandhirin.

Laba bilood ka hor weerarkaas, bishii Agoosto 2011, Al-Shabaab ayaa isaga baxday fariisimihii waaweynaa ee ay Muqdisho kaga sugnayd, ka dib dagaallo ay la gashay ciidammadii Dawladda Kumeelgaarka ahayd iyo kuwii Midowga Afrika ee AMISOM. Inkasta oo ay ka baxday inta badan fariisimahaas, haddana ma aysan lumin awooddii ay weerarro uga fulin karaysay gudaha caasimadda. Arrintaasi waxay qayb ka ahayd geeddisocodkii colaadaha iyo isbeddelkii xeeladaha dagaal ee xilligaas.

Machadka Critical Threats ayaa falanqayn uu 4tii Oktoobar 2011 daabacay ku tilmaamay qaraxa Hargaha iyo Saamaha tusaale muujinayay isbeddelka xeeladihii kooxda, oo ka guuraysay haysashada dhul iyo dagaal fool-ka-fool ah, una wareegaysay weerarro gaadmo ah iyo qaraxyo lagu beegsado xarumaha dawladda. Sidaas darteed, weerarkaasi wuxuu caddeeyay in ka bixitaankii al-Shabaab ee fariisimihii ay Muqdisho kaga sugnayd uusan meesha ka saarin khatartii ay weli ku haysay amniga caasimadda iyo dadka rayidka ah. Wuxuu sidoo kale noqday marag muujinaya geeddisocodka iyo ifafaalaha isbeddelkaas.

Masiibo Raadkeedu weli sii Muuqdo

Qaraxii Hargaha iyo Saamaha wuxuu si gaar ah u dhaawacay rajadii dhallinyaro Soomaaliyeed oo doonayay in ay waxbarasho iyo aqoon ku dhistaan mustaqbalkooda, kuna tallaabsadaan aqoonkororsi, garaad-kobcin iyo hanaqaad aqooneed. Wuxuu sidoo kale iftiimiyay dhibaatadii colaadaha dalka ka jiray ay ku hayeen nolosha bulshada, gaar ahaan ardayda iyo goobaha waxbarashada. Wuxuu raad ku reebay himilooyinkii iyo aafaaqdii aqooneed ee ay dhallinyaradaasi hiigsanayeen.

Masiibadaas waxaa xigay cambaarayn caalami ah iyo baaqyo lagu dalbanayay ilaalinta dadka rayidka ah, iyadoo Dawladda Turkiguna ay, mar kale, muujisay sida ay uga go’an tahay taageerada Soomaaliya iyo sii wadidda dadaallada nabadda iyo horumarka. Dadaalladaasi waxay qayb ka ahaayeen geeddisocodkii nabadaynta iyo garabistaagga bulshada Soomaaliyeed.

Shan iyo toban sano kaddib, qaraxii Hargaha iyo Saamaha wuxuu weli xusuus murugo leh ku reebay eheladii iyo qaraabadii dadkii ku naf waayay, dadkii ka badbaaday iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed. Waa xusuus ay weheliyaan boholyow iyo dhaawac nafeed, qaybna ka noqotay xusuus bulsheedka iyo taariikhda ummadeed.

Xusuusta dhacdadani kuma koobna oo keliya tirada dadkii dhintay, baaxadda burburkii dhacay ama khasaaraha ka dhashay, waxayse sidoo kale xanbaarsantahay xusuusta himilooyinkii iyo mustaqbalkii aqooneed ee dhallinyaradii maalintaas naf waayay. Waa qayb ka mid ah xusuus-wadareedka ummadda, kaydka taariikheed iyo waaya-aragnimada nololeed ee u baahan milicsi iyo dibujaleecis, si looga baaqsado halmaan taariikheed.

Qaraxii 4tii Oktoobar 2011 wuxuu reebay nabar taariikheed oo aan weli bogsan, iyo xusuus ina tusinaysa qiimaha nabadda, bedqabka muwaaddinka iyo ilaalinta nolosha dadka rayidka ah. Waa raad taariikheed iyo dhaxal xusuuseed ay tahay in laga tilmaanqaato, oo qayb ka ah sooyaalka iyo xusuusta ummadeed ee Soomaaliyeed.