Maanta oo kale, dunida waxaa si mug iyo miisaan leh looga maamuusaa Maalinta Macallimiinta Adduunka, oo ku astaysan 5ta Oktoobar. UNESCO, oo ah Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka, ayaa 5ta Oktoobar, sannad kasta, u astaysay Maalinta Macallimiinta Adduunka. Waa maalin lagu muujiyo kaalinta qiimaha leh ee baruhu ku leeyahay barbaarinta, garaadkobcinta iyo hagidda bulshada, iyo maamuuska uu mudanyahay.
Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa halka uu macallinku kaga jiray bulshadii Soomaaliyeed, halka uu maanta kaga jiro, iyo dhufsana-yaraha ka dhexeeya qanacsanaanta macallinka iyo tayada waxbarashada.
Macallinkii Shalay
Macallinku bulshada Soomaaliyeed wuxuu ku dhex lahaa ixtiraam iyo maamuus aan la soo koobi karin, siiba macallimiinta dugsiyada Qur’aanka iyo culimada akhrisa kutubta diinta. Xiriirka adag ee ku dhisnaa ixtiraamka iyo waalidnimada, ee u dhexeeyay waalidka, macallinka iyo ardayga, wuxuu kaalin weyn ku lahaa xifdinta Qur’aanka Kariimka ah iyo ku dhegganaanta diinta.
Sidoo kale, xiriirkaasi wuxuu bulshada ka dhowray khilaaf iyo kala aragti duwanaansho diimeed, kuwaas oo maanta ka mid ah caqabadaha waaweyn ee wajahaya ummadda Soomaaliyeed.
Macallinku sidaas kuma ahayn qof cashar gudbiya oo keliya; wuxuu ahaa barbaariye, hage iyo qof ubadka dhaxalsiiya aqoon iyo anshax.
Bilowgii Waxbarashada Maaddiga ah
In kasta oo billaawgii hore macallimiinta dugsiyadu tiro ahaan yaraayeen, taasina keentay in barayaal badan oo aan haysan shahaado jaamacadeed ay wax ka dhigaan dugsiyada, haddana waxaa la rumaysan yahay in niyadda wanaagsan, maamuuska loo hayay iyo xuquuqda la siin jiray ay sare u qaadeen waxtarkooda.
Nidaamkii uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad, oo aan ka soo jeedin bahda waxbarashada, ayaa—sida ay ka marag kaceen macallimiintii xilligaas—macallinka siiyay maamuus iyo qiime ballaaran, marka loo eego madaxweynayaashii ka danbeeyay oo qaarkood bahda waxbarashada ka yimid ama wax soo bartay.
Dhismihii Kulliyadda Waxbarashada ee Lafoole
Intaas laguma ekaan; waxaa la hirgeliyay Kulliyaddii Waxbarashada ee Lafoole, oo ka tirsanayd Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Hirgelinta Lafoole waxay ahayd tallaabo wanaagsan oo loo qaaday horumarinta macallimiinta iyo waxbarashada. Waxay noqotay kulliyaddii loogu jeclaa guud ahaan jaamacadda, iyadoo soo saartay macallimiin tayo sare leh oo door weyn ka qaatay horumarinta waxbarashada Soomaaliyeed.
Maanta, dad badan oo Soomaaliyeed ayaa Lafoole u haysta inay ahayd jaamacad buuxda, iyaga oo moog in ay ahayd kulliyad ka tirsan Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Taasina waxay muujinaysaa halka ay gaareen waxtarkeeda iyo sumcaddeeduba.
Lafoole waxay sidaas ku noqotay goob dhaxalsiin aqooneed iyo barbaareed, jiilal badan oo Soomaaliyeedna u ibafurtay aafaaq waxbarasho iyo mihnadeed.
Maxay Suugaanyahannada Soomaaliyeed ku Tilmaameen Baraha?
Qiimaha iyo maamuuska macallinka kuma ekayn nololmaalmeedka bulshada; wuxuu, sidoo kale, si weyn uga dhex muuqday suugaanta Soomaaliyeed.
Haddii gabyaagii reer Masar ee Axmed Showqi uu hore u yiri: “U sarakac macallinka oo xushmee; macallinku wuxuu ku sigtay inuu noqdo rasuul,” abwaanka Soomaaliyeed ee Xasan Sheekh Muumin wuxuu yiri:
Macallinku waa
Maskaxdii dunidoo malaasan
Mowjadaheeda
Kala miirtay ee macnaysay
Maadhkii qarsoonaa
Waa misbaaxii
Kaahiisu u miciinee
Mugdigii ka meydhay
Murtida dhuux aqoontiisa baro
Lagama maarmee.
Tixdani waxay baraha ku sawiraysaa ilayska aqoonta iyo qofka mugdiga aqoondarrada ka meydha. Sida murtida Soomaaliyeed lagu cabbiray, aqoontu waa iftiin lagu tilmaansado iyo ilays lagu sahantago.
Sidoo kale, abwaan Xaaji Aadan Axmed Afqallooc, isaga oo ardayda Soomaaliyeed dareensiinaya qiimaha macallinka iyo aqoonta, wuxuu yiri:
Oday waaya-aragaan ahoo ayni wayn jiraye
Markaad ood ka bood tahay tashigu waa in kaa maqane
Wixi dana Abwaankaa gartee inammo waa mooge
Inaan anigu idin waaniyaa waa ammuur xaq ahe
Ardayey aqoonsada cilmiga aafo waa jahale
Ijtihaada adinkaa hor kici aradka Soomaale
Akhlaaq xumo iska ogaada waad ku ambanaysaane
Ma aflaxo ilmaha caasiyoo edebta diidaaye
Haddii aadan akrimin macallinadu kuuma uursame’e
Waa niman ammaanloo xumaan laga ilaashaaye
Ixtiraam la’aan lagama helo aayo iyo khayre
Waa kuu ilays meel mugdiya aad ku aragtaaye
Waa kuu afkood ku hadashiyo odhaahda liisaane
Waa ubaxa kii korinayoo aaminka ahaaye
Waa amalka nolashaa dambood ku istareexdaaye
Waa ilo biyalahoo ninkii ooman ka cabbaaye
Waa kii ixsaan kuu galoo aadmi kaa dhigaye
Waa kii abaal kugu lihiyo lama ilaawaane
Waa kii aqoontiyo cilmiga kuugu aabba ahe
Sida qamarka oogada jiruu kuu iftimiyaaye
Iyagaa abuuraye sancada lama ogaadeene
Ihaanada ma dooniyo waxaan laayiq u ahayne
Haddii aad asluub yeelatoo dhawrto amarkiisa
Asmac baraha liibaantu waa inaad addeecdaaye.
Macallinka Maanta
Macallimiinta xilligan jooga waxay la deris yihiin duruufo nololeed oo adag, waxaana taas u dheer in aan marar badan la siin maamuuska iyo qiimaha ay mudan yihiin.
Dhibaatada ugu badan waxay ka taagan tahay macallimiinta ka hawlgala iskuullada gaarka loo leeyahay, oo qaar badan oo ka mid ahi ka cabtaan xuquuqdooda shaqo, gaar ahaan bilaha Luulyo iyo Ogoosto. Halkaas waxaa ka jira tabashooyin la xiriira mushaharka, fasaxyada iyo xuquuqda kale ee shaqaalaha.
Dhanka kale, macallimiinta dawladda qudhoodu ma helaan dhammaan xuquuqda shaqaalaha rayidka ah ee dawladda; waxaana xusid mudan in sannadihii danbe macallimiin badan lagu soo xulay tartan furan.
Dhawaan, waraysi uu bixiyay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa lagu sheegay inuusan kordhin doonin xuquuqda macallimiinta qaranka, xataa haddii dawladdu hesho lacago dheeraad ah, isaga oo arrintaas u sababeeyay tirada badan ee macallimiinta iyo in aysan suurtagal ahayn inay helaan xuquuq la mid ah tan shaqaalaha kale ee dawladda.
Haddaba, tiro badnaantu ma sabab bay u noqon kartaa in xuquuq la waayo?
Qanacsanaanta Macallinka iyo Tayada Waxbarashada
Niyadda macallinka oo la wanaajiyo, xuquuq iyo maamuusna la siiyo, aqoontiisa maaddeed iyo xirfaddiisa macallinnimana la kobciyo, waxay horseedi kartaa inuu soo saaro jiil aqoon iyo karti leh.
Waaya-aragnimadii hore waxay muujinaysaa in marka macallinka la maamuuso, xaaladdiisa shaqona la wanaajiyo, uu si ka mug iyo miisaan badan uga qayb qaadan karo barbaarinta, garaad-qaabaynta iyo dhismaha jiilka soo kacaya.
Maanta, dawladdu malaayiin doolar ayay ku bixisaa horumarinta waxbarashada, oo ay ka mid tahay horumarinta macallimiinta; hasayeeshee, waxaa weli hooseeya niyadda iyo maamuuska macallinka. Dad badanina waxay rumaysanyihiin in halkaas laga haysto qayb ka mid ah caqabadaha waxbarashada Soomaaliyeed.
Cilmibaarisyo badan ayaa tilmaamaya in qanacsanaanta macallinka iyo tayada waxbarashada uu ka dhexeeyo xiriir dhow. Sidaas darteed, horumarinta waxbarashadu kuma eka dhismaha fasallo, dejinta manaahij ama bixinta agab; macallinka laftiisa ayaa ah halbowlaha habsocodka waxbarashada.
Siday murtidu ahayd “Xaglo laaban xoolo kuma yimaaddaan.” Murtidaasi waxay ku baraarujinaysaa in miro iyo horumar lagu gaari karo hawl, dadaal iyo u guntasho. Sidaas si la mid ah, tayada waxbarasho ee la hiigsanayo lagama filan karo iyada oo la dayacay qofka hawshaas lafdhabarta u ah: macallinka!