U bood dhigaalka

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka Wada hadlay Xoojinta Xariirka Ganacsi iyo Iskaashiga Labada Dal

Oktoobar 13, 2026

Dowladaha Soomaaliya iyo Aljeeriya ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka ganacsi iyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal, iyadoo la doonayo in la ballaariyo fursadaha suuq-geynta iyo is-weydaarsiga badeecadaha.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Aljeeriya, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Ganacsiga Dibadda iyo Dhiirrigelinta Dhoofinta Algeria, Prof. Kamaal Ruzeeq, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta xiriirka ganacsi iyo sahminta fursado dhaqaale oo ay labada dal ka wada faa’iideysan karaan.

Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo kordhin lahaa suuq-geynta badeecadaha Aljeeriya ee gudaha Soomaaliya, loona sahmin lahaa fursadaha dhoofinta badeecadaha dalkaas si ay uga jawaabaan baahiyaha ka jira suuqa Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo qaaday qorshaha lagu dhisayo Golaha Ganacsiga Soomaaliya iyo Aljeeriya, kaas oo la doonayo inuu xoojiyo xiriirka ganacsatada labada dal, dhiirrigeliyo hindisayaasha ganacsi ee wadajirka ah, isla markaana fududeeyo iskaashiga ganacsi iyo maalgashi.

Wada-hadalladan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo xiriirka dhaqaale ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, iyadoo la raadinayo fursado cusub oo kor loogu qaadayo is-weydaarsiga badeecadaha iyo iskaashiga ganacsatada labada dal.