Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimaha Gurmadka Degdegga ah ee Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO), Rein Paulsen, Wakiilka FAO ee Soomaaliya, Etienne Peterschmitt, iyo wakiillo ka socday Dowladda Norway.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada u-diyaargarowga xaaladaha El Niño, horumarinta nidaamyada digniinaha hore iyo qaadista tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo saameynta musiibooyinka.
Intii uu kulanku socday, dhinacyadu waxay ka wada hadleen sidii digniinaha hore loogu xiriirin lahaa tallaabooyin wax-ku-ool ah oo isku-duuban, si loo badbaadiyo nolosha dadka, loo ilaaliyo hab-nololeedka bulshada, loona yareeyo saameynta fatahaadaha iyo khataraha kale ee la xiriira El Niño.
Sidoo kale, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay abaabulka dhaqaale iyo helitaanka taageero dheeraad ah oo wax looga qabanayo baahiyaha bani’aadantinimo ee jira. Waxa kale oo la isku raacay muhiimadda maalgelinta muddada fog ee u-diyaargarowga musiibooyinka, yareynta khataraha iyo dhismaha adkeysiga bulshada.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xaqiijiyay sida ay Hay’addu uga go’an tahay hoggaaminta dadaallada dowladda ee maareynta khataraha musiibooyinka, xoojinta isku-duwidda gurmadka iyo horumarinta iskaashiga hay’adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta kale.
Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo gurmad waqtigiisa ku habboon, qors