Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan isku-duwidda arrimaha bani’aadannimada (OCHA) ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda sii xumaanaysa ee bani’aadannimo ee Soomaaliya, iyadoo dhaqaale-yari ay sababtay in la dhimo howlaha gargaarka, lana xiro xarumo muhiim u ahaa dadka nugul.
Warbixin ay hay’addu soo saartay 25-kii Nofeembar ayay ku sheegtay in qorshaha gargaarka Soomaaliya ee sannadka 2026, oo ku kacaya 852 milyan oo doollar, la helay 306 milyan oo keliya, taasoo ka dhigan in la maalgeliyay 36 boqolkiiba baahidii guud.
OCHA waxay tilmaantay in lacag la’aantani ay xaddiday awoodda hay’adaha bani’aadannimada ee gaarsiinta gargaarka, iyadoo dad badan oo loogu talagalay in la caawiyo aysan weli helin taageeradii ay u baahnaayeen.
Xogta hay’adda ayaa muujinaysa in muddadii u dhexeysay Janaayo iyo Oktoobar ay gargaar naf-badbaadin ah heleen ku dhowaad 920,000 oo qof, halka bartilmaameedku ahaa in la gaaro in ka badan 2.4 milyan oo qof. Sidaas darteed, in ka badan 1.5 milyan oo qof ayaan weli helin gargaarkii loo qorsheeyay.
Dhanka kale, waxaa si weyn hoos ugu dhacay tirada dadka ka faa’iideysta gargaarka cuntada. Dadka taageerada helayay oo bishii Janaayo ka badnaa 1.1 milyan ayaa bishii Juun gaaray 600,000, halka muddadii u dhexeysay Luulyo iyo Sebtembar ay celcelis ahaan gargaar heleen 411,500 oo qof bishii.
Saamaynta dhaqaale-yarida kuma eka gargaarka cuntada, balse waxay gaartay adeegyada caafimaadka iyo nafaqada. OCHA ayaa xaqiijisay in ugu yaraan 233 xarumood oo nafaqo ah albaabada loo laabay guud ahaan Soomaaliya, halka 380 xarumood oo caafimaad iyo kooxaha caafimaadka guurguura laga dhimay adeegyadii ay bixin jireen.
Tallaabooyinkan ayaa sii adkeynaya helitaanka daryeelka caafimaad iyo adeegyada nafaqada, gaar ahaan dadka ku nool deegaannada ay ka jiraan baahiyaha bani’aadannimo.
OCHA ayaa ku baaqday in si degdeg ah loo helo dhaqaale dheeraad ah oo lagu badbaadinayo howlaha gargaarka ee weli socda, iyadoo ka digtay in taageero la’aanta sii socota ay sababi karto in dad intaas ka badan ay waayaan adeegyada aasaasiga ah.
Hay’addu waxay carrabka ku adkeysay in maalgelin degdeg ah loo baahan yahay si looga hortago in xaaladda bani’aadannimo ee dalka ay kasii darto, loona xaqiijiyo in dadka ugu nugul ay helaan cuntada, caafimaadka iyo nafaqada ay u baahan yihiin.
From the comments