Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Türkiye, Fatxudiin Cali Ospite, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu xusayay sannad-guurada 103-aad ee aasaaska Jamhuuriyadda Türkiye.
Intii ay munaasabadda socotay, Danjire Fatxudiin ayaa gudbiyay hambalyo iyo bogaadin uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, u diray dhiggiisa dalka Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, iyo shacabka reer Türkiye.
Danjiraha ayaa sidoo kale muujiyay qiimaha ay Soomaaliya siinayso xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, kuwaas oo iska kaashanaya dhinacyo kala duwan.




From the comments