Goobjoog

Putin oo Hoggaamiyeyaasha Afrika u Sheegay in Ruushku uusan Qaaradda ka Wadin Gumeysi Cusub

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku sugan magaalada Moscow u sheegay in dalkiisu uusan qaaradda ka wadin ka faa’iidaysi gumeysi cusub, isaga oo Ruushka ku tilmaamay saaxiib diyaar u ah iskaashi dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ku dhisan danaha labada dhinac.

Putin oo Hoggaamiyeyaasha Afrika u Sheegay in Ruushku uusan Qaaradda ka Wadin Gumeysi Cusub
Russian President Vladimir Putin speaks during the plenary session of the Russia-Africa summit in Moscow, Wednesday, Oct. 28, 2026. (AP Photo/Pavel Bednyakov)

Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa hoggaamiyeyaasha Afrika ee ku sugan magaalada Moscow u sheegay in dalkiisu uusan qaaradda ka wadin ka faa’iidaysi gumeysi cusub, isaga oo Ruushka ku tilmaamay saaxiib diyaar u ah iskaashi dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo ku dhisan danaha labada dhinac.

Putin ayaa hadalkan ka jeediyey shir-madaxeedka saddexaad ee Ruushka iyo Afrika oo Arbacadii, 28-ka Oktoobar 2026, ka furmay magaalada Moscow, wuxuuna sheegay in quwadaha reer Galbeedku ay weli isku dayayaan inay ka faa’iidaystaan khayraadka dabiiciga ah ee Afrika, isla markaana ay dalalka qaaradda ku sii hayaan deymo iyo heshiisyo maaliyadeed oo caqabad ku noqon kara horumarkooda muddada dheer.

Madaxweynaha Ruushka ayaa xusay in Afrika ay sii kordhinayso doorkeeda siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka, isaga oo ku baaqay in la aqbalo nidaam caalami ah oo ay quwadaha kala duwan door ku leeyihiin.

Wuxuu sidoo kale dhaliilay waxa uu ku tilmaamay dadaallada reer Galbeedka ee lagu saarayo dalalka Afrika deymo cusub iyo maalgelin uu sheegay inay ku xiran tahay shuruudo adag.

Putin ayaa sheegay in shirkadaha Ruushku aysan ku dhaqmin ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah iyo dadka Afrika, balse ay dhiirrigeliyaan in wax-soo-saarka ceeriin lagu farsameeyo gudaha dalalka qaaradda.

Sida uu sheegay, arrintaasi waxay abuuri kartaa shaqooyin cusub, kordhin kartaa dakhliga canshuuraha, isla markaana xoojin kartaa dhaqaalaha dalalka Afrika.

Dhanka iskaashiga beeraha, Putin ayaa sheegay in Ruushku diyaar u yahay inuu ballaariyo gaarsiinta wax-soo-saarkiisa beeraha ee dalalka Afrika. Wuxuu xusay in Ruushku uu sagaalkii bilood ee ugu horreeyay sannadka 2026 qaaradda u dhoofiyey 13 milyan oo tan oo wax-soo-saarka beeraha ah.

Hadalladan ayaa imanaya xilli dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu weli saameyn ku leeyahay dhoofinta badarka ee Badda Madow, halka colaadda Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iiraan, ay carqalad ku keentay sahayda caalamiga ah ee bacriminta beeraha.

Shirka Ruushka iyo Afrika ayaa waxaa ka qaybgalaya wafdiyo ka socda 48 dal oo Afrikaan ah, kuwaas oo 22 ka mid ah ay matalayaan madaxda dowladahooda, waxaana madaxda ka baaqday kamid ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, ayadoo aysan Dawladda Soomaaliya arrintaas faahfaahin ka bixin.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments