Goobjoog

Muwaadiniin Kenyan ah oo Lagu Eedeeyey Is-Daba-Marin Maaliyadeed oo Dhan $130 Milyan Lana Xiriirta Deeqaha Waxbarashada Mareykanka

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa shaacisay dacwado ka dhan ah shan qof oo lala xiriiriyey shabakad caalami ah oo lagu eedeeyey inay si sharci-darro ah u lunsatay lacago loogu talagalay deeqaha iyo deymaha waxbarashada ardayda Mareykanka.

Muwaadiniin Kenyan ah oo Lagu Eedeeyey Is-Daba-Marin Maaliyadeed oo Dhan $130 Milyan Lana Xiriirta Deeqaha Waxbarashada Mareykanka

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa shaacisay dacwado ka dhan ah shan qof oo lala xiriiriyey shabakad caalami ah oo lagu eedeeyey inay si sharci-darro ah u lunsatay lacago loogu talagalay deeqaha iyo deymaha waxbarashada ardayda Mareykanka.

Baaritaankan oo loogu magac daray “Operation Ghostbusters” ayaa lagu ogaaday hab lagu sameysanayey arday been-abuur ah, kuwaas oo xogtooda lagu diiwaangelinayey jaamacado iyo kulliyado ku yaalla Mareykanka, si loogu helo taageero dhaqaale oo ay bixiso dowladda federaalka.

Sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka, shabakadda ayaa adeegsanaysay xogta aqoonsiga muwaadiniin Mareykan ah oo la xaday, gaar ahaan dad aan hore jaamacad uga diiwaangashanayn ama aan codsan deeq waxbarasho.

Xogtaas ayaa lagu sameynayey arday aan jirin oo loo yaqaan “Ghost Students”, kuwaas oo magacyadooda lagu gudbinayey codsiyo been-abuur ah oo loo marayo nidaamka FAFSA ee lagu bixiyo deeqaha iyo deymaha waxbarashada.

Markii codsiyadaas la aqbalo oo lacagaha la bixiyo, waxaa lagu shubi jiray akoonno ay maamulayeen xubnaha shabakadda, ayadoo qaar ka mid ah muwaadiniinta xogtooda la isticmaalay ay markii dambe ogaadeen in magacyadooda lagu leeyahay deymo waxbarasho, inkastoo aysan waligood jaamacad iska diiwaangelin.

Baarayaasha ayaa sheegay in saddex qof oo ku sugan Mareykanka ay door ku lahaayeen dhaqaajinta lacagaha, iyagoo qayb ka mid ah u gudbinayey dad kale oo ku sugan Kenya. Lacagaha qaarkood ayaa lagu wareejiyey akoon lala xiriiriyey shirkad Kenyan ah oo loo ekeysiiyey shirkad ka shaqaysa dalxiiska iyo safarrada duurjoogta.
830,000 akoon oo laga shakiyey
Xogta ay soo bandhigtay Waaxda Caddaaladda ayaa muujinaysa in intii u dhexeysay Sebteembar iyo Oktoobar 2026 la aqoonsaday 830,840 akoon oo taageerada ardayda ah oo looga shakiyey wax-is-daba-marin.

Akoonnadaas ayaa lala xiriiriyey codsiyo taageero waxbarasho oo qiimahoodu ku dhow yahay 130 milyan oo dollar. Hase yeeshee, dowladda Mareykanka ma aysan sheegin in lacagtaas oo dhan la lunsaday, balse waa qiimaha taageerada lala xiriiriyey akoonnada shakiga leh ee la dalbaday in la xiro.

FBI-da ayaa sheegtay inay ilaa hadda si rasmi ah u aqoonsatay in ka badan 32 milyan oo dollar oo khasaare ah, iyadoo baaritaanno dheeraad ah lagu hayo lacago kale. Waaxda Caddaaladda ayaa sidoo kale qiyaastay in lacagaha la lunsaday tan iyo sannadkii 2021 ay guud ahaan ka badan karaan 200 milyan oo dollar.

Waxaa socda in ka badan 40 kiis oo la xiriira baaritaanka, kuwaas oo ay gacanta ku hayaan 26 xafiis oo FBI-du ku leedahay gudaha Mareykanka.

Hay’adaha Mareykanka oo kaashanaya laamaha ammaanka Kenya ayaa la wareegay lacag dhijitaal ah oo loo yaqaan cryptocurrency, taas oo qiimaheedu ka badan yahay 750,000 oo dollar, ayadoo Lacagtan laga helay akoon uu lahaa muwaadin Kenyan ah oo lagu xiriiriyey shabakadda.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in tani ay tahay markii ugu horreysay ee waaxdeeda la-dagaallanka wax-is-daba-marintu ay la wareegto hanti noocan ah gudaha Kenya.

Dacwad ka furan gobolka Virginia ayaa muwaadin Kenyan ah loogu eedeeyey inuu helay in ka badan 700 oo lacag-bixinood oo sharci-darro ah, kuwaas oo wadartoodu gaareyso ku dhowaad 1.44 milyan oo dollar.

Dhanka kale, kiis ka socda gobolka New Jersey ayaa saddex qof loogu eedeeyey inay lacagaha ka soo baxay codsiyada been-abuurka ah u gudbinayeen laba qof oo ku sugan Kenya, kuwaas oo lala xiriiriyey shirkadda safarrada ee baaritaanku diiradda saaray.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in dacwadaha hadda la shaaciyey ay yihiin wejigii koowaad ee hawlgalka, iyadoo baaritaannada lagu ogaanayo dhammaan dadka ku lugta leh iyo dadaallada lagu soo celinayo lacagaha ay weli socdaan.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments