MUQDISHO (Goobjoog News) – Magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay shir farsamo oo uu soo qabanqaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta hannaanka cuntada, nafaqada iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Muuse Maxamed Cusmaan, Agaasimaha Hannaanka Cuntada iyo Isbeddelka Cimilada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waxaana ka qaybgalay Cabdiraahiid Sayid, Lataliyaha Sare ee Hannaanka Qaran ee Cuntada, Nafaqada iyo Cimilada, iyo wakiillo ka socday wasaaradaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, isku-duwidda qorshayaasha iyo dadaallada lagu horumarinayo sugnaanta cuntada iyo nafaqada bulshada.




From the comments