Hay’adda Adeegyada Sharciyeynta iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed (SARIS) ayaa soo saartay digniin ku saabsan adeegsiga kiimikooyinka loo isticmaalo dedejinta bislaanshaha miraha, gaar ahaan badeecooyinka loo yaqaan Ethar Plus iyo Ethephon 40% SL, kuwaas oo loo adeegsado habaynta koritaanka iyo bislaanshaha dalagyada beeraha.
Bayaan ay hay’addu soo saartay 3-dii Nofeembar 2026 ayay ku sheegtay in ay muhiim tahay in bulshada, ganacsatada iyo beeraleydu ay fahmaan noocyada kiimikooyinkan, habka loo isticmaalo iyo khataraha ka dhalan kara haddii aan loo adeegsan si waafaqsan tilmaamaha badbaadada.
SARIS ayaa sharraxday in Ethephon uu yahay walax kiimiko ah oo loo adeegsado nidaaminta koritaanka dhirta, isla markaana marka uu burburo sii daaya gaaska Ethylene, oo door ka qaata bislaanshaha miraha.
Hay’addu waxay sheegtay in isticmaalka hormoonnada bisleeya miraha uu ku xiran yahay nooca iyo tayada badeecadda, heerka koritaanka dalagga, qiyaasta kiimikada, habka loo adeegsado iyo xaaladaha deegaanka.
Waxay sidoo kale caddeysay in gaaska Ethylene loo adeegsan karo bislaanshaha miraha, balse ay tahay in lagu sameeyo xaalado la xakameeyey, iyadoo la raacayo qiyaasta, muddada iyo habraacyada ammaan ee loogu talagalay.
Dhanka kale, SARIS waxay ganacsatada iyo dadka keena kiimikooyinka beeraha ku wargelisay in badeecad kasta oo ay suuqa keenayaan ay tahay in marka hore ay diiwaangeliso hay’addu, lana hubiyo tayadeeda, badbaadadeeda iyo in ay buuxisay shuruudaha sharciga dalka.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in ay kordhin doonto kormeerka suuqyada, baaritaanka badeecadaha iyo wacyigelinta bulshada, si loo xaqiijiyo in miraha iyo wax-soo-saarka beeraha ee dalka la keeno ama gudaha lagu soo saaro aysan ku jirin walxo waxyeello u geysan kara caafimaadka bulshada.
SARIS ayaa ugu dambeyn ganacsatada iyo beeraleyda ugu baaqday in aysan adeegsan kiimikooyin mamnuuc ah ama aan loo oggolaan isticmaalka beeraha, iyadoo digniin u dirtay cid kasta oo ku xadgudubta shuruucda iyo xeerarka dalka, kuwaas oo ay sheegtay in laga qaadi doono tallaabo sharci ah.
Hay’addu waxay ku boorrisay bulshada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan ilaalinta badqabka cuntada, isla markaana ay soo sheegaan fal kasta oo khatar ku ah caafimaadka dadka iyo tayada wax-soo-saarka beeraha.
From the comments