Goobjoog

Madasha Samatabixinta oo Aqbashay Wadahadalka Dowladda, Guddi Saddex Xubnood Ahna Magacawday

MUQDISHO (Goobjoog News) — Madasha Samatabixinta Qaranka ayaa la sheegay inay aqbashay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud fursad kale la siiyo si khilaafka siyaasadeed ee dalka loogu xalliyo wadahadal, taas…

Madasha Samatabixinta oo Aqbashay Wadahadalka Dowladda, Guddi Saddex Xubnood Ahna Magacawday

MUQDISHO (Goobjoog News) — Madasha Samatabixinta Qaranka ayaa la sheegay inay aqbashay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud fursad kale la siiyo si khilaafka siyaasadeed ee dalka loogu xalliyo wadahadal, taas oo waddada u xaari karta dib-u-bilaabidda wadaxaajoodyadii Dowladda Federaalka iyo mucaaradka.

Warbixinnada la helayo waxay sheegayaan in Madashu magacawday guddi ka kooban madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo xildhibaannada Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdullaahi Carab. Guddigan ayaa la filayaa inuu ka hor 14-ka Nofeembar la kulmo guddiga farsamada ee dowladda, si looga heshiiyo ajandaha, qaabka iyo qodobbada saldhigga u noqonaya wadahadallada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mucaaradka, ururrada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah ku casuumay shir wadatashi oo Muqdisho ka dhacaya 14-ka ilaa 18-ka Nofeembar. Madaxtooyadu waxay sheegtay in shirka lagu raadinayo is-afgarad ku saabsan doorashooyinka federaalka iyo arrimaha kale ee siyaasadeed.

Aqbalaadda mabda’a wadahadalku macnaheedu ma aha in dhinacyadu isku raaceen wax-ka-beddellada dastuurka, jadwalka doorashada ama hannaanka codbixinta.

Mucaaradku wuxuu weli ku adkaysanayaa in wadatashiga dowladda uu isu beddelo wadaxaajood rasmi ah oo dhinacyadu wax isku oggolaan karaan, waxna isaga tanaasuli karaan.

Tallaabadan ayaa timid kaddib kulammo la sheegay inay wakiillo mucaaradku la yeesheen Agaasimaha NISA Mahad Maxamed Salaad. Wararku waxay sheegayaan inuu mucaaradka gaarsiiyey farriinta Madaxweynaha, kuna boorriyey inay aqbalaan wadahadalka; hase yeeshee dhinacyadu weli si rasmi ah uma shaacin faahfaahinta kulammadaas.

Weli ma cadda in Puntland, Jubaland, Xisbiga Nabad iyo Nolol iyo garabyada kale ee mucaaradku ay ka qaybgeli doonaan shirka. Sidaas darteed, go’aanka Madasha Samatabixinta waa horumar cusub oo ku wajahan wadahadalka, balse weli ma metelayo heshiis ay wada gaareen dhammaan dhinacyada siyaasadda.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments