Goobjoog

Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo kordhinta dakhliga gudaha

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda UK, kaas oo looga hadlay dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaallada lagu kordhinayo dakhliga gudaha.…

Soomaaliya iyo UK oo ka wada hadlay dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo kordhinta dakhliga gudaha

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Biixi Iimaan Cige, ayaa kulan la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda UK, kaas oo looga hadlay dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaallada lagu kordhinayo dakhliga gudaha.

Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Faysal Maxamed Xaashi, iyo Madaxweynaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya, Hodan Osman. Mas’uuliyiinta Dowladda UK ee kulanka ka qeybgalay ayaa isugu jiray khubaro ku takhasustay dhaqaalaha iyo arrimaha bani’aadannimada.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka, horumarinta ilaha dakhliga gudaha iyo dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, waxaa laga hadlay caqabadaha saameeya dhaqaalaha iyo xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha, isbeddelka cimilada iyo saameynta colaadaha Bariga Dhexe.

Wadahadalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta dhaqaalaha dalka iyo iskaashiga ay la leedahay saaxiibada caalamka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments