Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada Tripoli ee dalka Liibiya, si uu uga qayb galo shirka Golaha Fulinta ee Ururka Bulshada Dalalka Saaxil iyo Saxaraha (CEN-SAD).
Shirkan oo maanta ka furmaya caasimadda Liibiya ayaa waxaa looga hadlayaa dib-u-habaynta hay’adaha ururka iyo sidii loo casriyeyn lahaa qaab-dhismeedkiisa, iyadoo wasiirrada ka qaybgalaya ay falanqayn doonaan qorshayaal lagu xoojinayo shaqada iyo awoodda ururka ka hor shirka madaxeedka soo socda ee hoggaamiyeyaasha dalalka xubnaha ka ah.
Soomaaliya oo ka mid ah dalalka xubnaha ka ah CEN-SAD tan iyo sannadkii 2001-dii ayaa la filayaa inay kulanka ka jeediso aragtideeda ku aaddan xoojinta iskaashiga dalalka Afrika, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo kaalinta Geeska Afrika ee nabadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.




From the comments