Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa ka qaybgalay munaasabad lagu soo dhoweynayay madaxda iyo wafdiyada caalamiga ah ee ka qaybgalaya Shirweynaha Warbaahinta Adduunka oo lagu qabanayo magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.
Wasiirka ayaa munaasabadda kulamo kooban kula yeeshay mas’uuliyiin sare oo ka socda qaar ka mid ah hay’adaha wararka ee caalamka, waxaana ka mid ahaa Madaxweynaha Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua, Fu Hua, Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Ruushka ee TASS, Andrey Kondrashov, iyo Agaasimaha Guud ee Midowga Wakaaladaha Wararka Dalalka Islaamka, Mohammed Alyami.
Shirweynahan oo maalinta si rasmi ah u furmaya ayaa la filayaa in lagu falanqeeyo isbeddellada ku socda saxaafadda caalamka, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo horumarka tiknoolajiyadda iyo doorka garaadka macmalka ah (AI) ee mustaqbalka warbaahinta.




From the comments