Wafdi heer federaal ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana kooban masuuliyiin ka tirsan wasaaradaha dhaqaalaha dalka iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, ayaa ka qaybgalay Bandhigga Caalamiga ah ee Soo-dejinta Shiinaha (China International Import Expo), oo ah madal caalami ah oo ay dalal kala duwan ku soo bandhigaan wax-soo-saarkooda, fursadaha ganacsi iyo maalgashi.
Wafdiga Soomaaliya waxaa hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, iyadoo ka qaybgalka bandhiggan uu qayb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale iyo ganacsi ee Soomaaliya la leedahay dalalka caalamka.
Intii uu socday bandhigga, Soomaaliya waxay si gaar ah diiradda u saartay soo bandhigidda khayraadka dabiiciga ah ee dalka, gaar ahaan macdanta ku jirta dhulka Soomaaliyeed, iyadoo la soo bandhigay noocyada kala duwan ee macdanta iyo gobollada laga helo.
Macdanta lagu soo bandhigay bandhigga waxaa ka mid ahaa macdanta biraha leh (Metallic Minerals), dhagaxaanta qaaliga ah ee loo adeegsado qurxinta iyo ganacsiga (Gemstones), iyo macdanta warshadaha ee muhiimka u ah wax-soo-saarka iyo horumarinta warshadaha. Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay khayraad kale oo dabiici ah oo laga helo gobollada kala duwan ee Soomaaliya.
Soo bandhigidda khayraadkan ayaa fursad u ah Soomaaliya oo doonaysa inay indhaha maalgashadayaasha caalamiga ah ku soo jeediso awoodda dhaqaale ee dalka, gaar ahaan qaybaha macdanta, warshadaha iyo wax-soo-saarka gudaha.
Ka qaybgalka bandhigga ayaa sidoo kale muujinaya dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu ballaarinayo suuqyada ganacsi, dhiirrigelinayo maalgashiga shisheeye, isla markaana lagu horumarinayo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee dalka.
Soomaaliya oo leh khayraad dabiici ah iyo fursado dhaqaale oo ku kala baahsan gobollada dalka ayaa rajaynaysa in ka qaybgalka bandhigyada caalamiga ah uu horseedo iskaashi cusub, maalgashi iyo koboc dhaqaale oo abuura shaqooyin, korna u qaada wax-soo-saarka dalka.
From the comments