Goobjoog

Soomaaliya oo ansixisay qorshe lix bilood ah oo lagu dardargelinayo ciribtirka cudurka dabeysha

Muqdisho, 9 Nofeembar 2026 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixisay qorshe hawleed lix bilood ah oo lagu dardargelinayo dadaallada ciribtirka cudurka dabeysha (Polio), laguna gaarsiinayo tallaalka carruurta aan weli helin…

Soomaaliya oo ansixisay qorshe lix bilood ah oo lagu dardargelinayo ciribtirka cudurka dabeysha

Muqdisho, 9 Nofeembar 2026 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixisay qorshe hawleed lix bilood ah oo lagu dardargelinayo dadaallada ciribtirka cudurka dabeysha (Polio), laguna gaarsiinayo tallaalka carruurta aan weli helin wax tallaal ah.

Qorshahan ayaa 4-tii Nofeembar 2026 waxaa ansixiyay Guddiga Qaran ee Tallaalka iyo Ciribtirka Cudurka Dabeysha (SIPE), kaas oo uu guddoomiyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

Kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Africa CDC ee Soomaaliya, Dr. Mustafe Awil Jaamac, madax ka tirsan dowladda, iyo wakiillo ka socday Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), UNICEF, Gavi iyo hay’adaha kale ee bahwadaagta la ah Soomaaliya.

Qorshaha ayaa diiradda saaraya dardargelinta ciribtirka cudurka dabeysha, gaarsiinta adeegyada tallaalka carruurta aan weli helin wax tallaal ah, kordhinta maalgelinta gudaha ee barnaamijyada tallaalka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo qoondada miisaaniyadda dowladda ee tallaalka, lana sameeyo isla-xisaabtan iyo wada-shaqeyn dhexmarta wasaaradaha kala duwan, si loo xaqiijiyo in dhammaan carruurta Soomaaliyeed ay helaan tallaallada lagama maarmaanka u ah badbaadadooda.

Africa CDC ayaa sheegtay inay garab taagan tahay Soomaaliya dadaallada lagu dhisayo nidaam caafimaad oo waara, kaas oo awood u leh ilaalinta caafimaadka carruurta iyo xoojinta amniga caafimaadka dalka.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments