Muqdisho, 24 Nofeembar 2026: Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyadda Indonesia, Budi Gunadi Sadikin iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada caafimaadka, tayeynta xirfadlayaasha caafimaadka, helitaanka dawooyinka iyo horumarinta adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka.
Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay musharraxnimada Indonesia ee xilka Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), muddada 2027–2032.





From the comments