Goobjoog

Kenya oo ku Dhawaatay inuu Bogsaday Bukaankii ugu Dambeeyay ee laga Helay Ebola

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in dhammaan bukaannadii laga helay cudurka Ebola ay ka bogsadeen marka laga reebo labadii qof ee u geeriyooday, iyadoo bukaankii ugu dambeeyay ee weli lagu daweynayay cudurka laga saaray isbitaalka.

Kenya oo ku Dhawaatay inuu Bogsaday Bukaankii ugu Dambeeyay ee laga Helay Ebola
Kenya’s Health Cabinet Secretary Aden Duale speaks during a press conference to announce the discharged of the last Ebola patient, starting a 42-day countdown to when the country can be declared free of the disease, in Nairobi, Kenya, November 11, 2026. REUTERS/Monicah Mwangi

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in dhammaan bukaannadii laga helay cudurka Ebola ay ka bogsadeen marka laga reebo labadii qof ee u geeriyooday, iyadoo bukaankii ugu dambeeyay ee weli lagu daweynayay cudurka laga saaray isbitaalka.

Wasiirka Caafimaadka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi 11-kii November ku shaaciyay in bukaankii ugu dambeeyay uu caafimaaday, isla markaana la bilaabay tirinta 42 maalmood oo haddii aan kiis cusub la helin ay Kenya ku muteysan karto in si rasmi ah loogu dhawaaqo dal ka caaggan Ebola.

Wasiirku wuxuu caddeeyay in tallaabooyinka ka hortagga cudurka iyo baaritaannada caafimaad ay sii socon doonaan ilaa 23-ka December 2026, si loo hubiyo inaanu jirin faafitaan kale oo qarsoon.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dhammaan dadka uu ku dhacay ay ahaayeen dad xiriir la sameeyay bukaankii ugu horreeyay, taas oo muujisay inaan cudurku si ballaaran ugu dhex faafin bulshada. Kiiskii ugu dambeeyay waxaa la xaqiijiyay 19-kii October.

Bukaankii cudurka dalka keenay ayaa ka soo safray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, isagoo sii maray Uganda,wuxuuna fayraska u gudbiyay afar qof oo qoyskiisa ka mid ah iyo afar shaqaale caafimaad. Bukaanka koowaad iyo hooyadiis ayaa u dhintay cudurka, halka toddobada qof ee kale ay bogsadeen.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in la aqoonsaday 135 qof oo xiriir la sameeyay bukaankii ugu horreeyay, kuwaas oo lagu sameeyay dabagal iyo kormeer caafimaad si looga hortago in cudurku ku faafo dad kale.

Dhanka kale, xaaladda Ebola ee gobolka ayaa weli walaac laga muujinayaa, gaar ahaan Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo oo ah halka uu ka jiro faafitaanka ugu weyn.

Dowladda Congo ayaa sheegtay in tirada dadka cudurka uu haleelay ay gaartay 11,042, halka dhimashadu ay mareyso 5,387 qof. Cudurka ayaa sidoo kale laga soo sheegay Uganda iyo Nigeria, kaddib markii dad ka yimid Congo ay u safreen dalalkaas.

Faafitaanka hadda jira waxaa sababay nooca fayraska Ebola ee loo yaqaan Bundibugyo, kaas oo lagu tilmaamay mid ka mid ah dillaacyadii ugu darnaa ee noociisa ah.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka, Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa hambalyo u diray Kenya, isagoo ammaanay shaqaalaha caafimaadka, dowladda iyo kooxaha gurmadka, gaar ahaan diyaar-garowgooda, dabagalka iyo jawaabtii degdegga ahayd ee ay ka bixiyeen cudurka.

Si kastaba ha ahaatee, faafitaanka Ebola wuxuu saameyn ku yeeshay isu socodka dadka Kenyaanka ah, ayadoo Sacuudigu uu 30-kii October hakiyay fiisooyinka muwaadiniinta Kenya muddo aan la cayimin, taas oo saameysay boqolaal shaqaale ah oo u safrayay dalkaas, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya guryaha iyo hoteellada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments