Tirada dadka uu soo ritay cudurka halista ah ee Ebola ee ka dillaacay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) ayaa gaartay 11,042 qof, halka dhimashadu ay kor u dhaaftay 5,387 qof, sida lagu sheegay xog rasmi ah oo ay soo saareen mas’uuliyiinta caafimaadka dalkaasi.
Cudurkan oo noqday kii ugu weynaa uguna dhimashada badnaa ee abid dalkaas ka dillaaca ayaa weli caqabad weyn ku haya dadaallada dowladda iyo hay’adaha caafimaadka ee lagu xakameynayo faafitaankiisa.
Warbixinnada caafimaadka ayaa sheegaya in cudurkan uu ka dhashay nooc dhif ah oo fayraska Ebola ah, kaas oo loo yaqaan Bundibugyo. Noocan ayaa la sheegay inuu sababo dhimasho ku dhow kala bar dadka uu ku dhaco, iyadoo aysan weli jirin tallaal ama daawo si gaar ah loogu sameeyay noocan fayraska ah.
Cudurka ayaa ilaa hadda saameeyay siddeed ka mid ah 26-ka gobol ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, waxaana sidoo kale walaac laga muujinayaa in dhimasho badan ay ka dhacday meel ka baxsan xarumaha caafimaadka ee loogu talagalay daaweynta dadka uu ku dhaco Ebola.
Hay’adaha caafimaadka ayaa tilmaamay in dib u dhaca ku yimaada ogaanshaha dadka uu cudurku ku dhacay, colaadaha hubeysan iyo tabar-darrada adeegyada caafimaadka ay si weyn u adkeeyeen xakameynta faafitaanka, taas oo sababtay inuu cudurku ka sii faafo sidii laga filayay.
Dhanka kale, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa horraantii bishan oggolaaday in la bilaabo tijaabooyin caafimaad oo lagu baarayo laba tallaal oo cusub oo ka hortagga Ebola ah.
Faafitaanka cudurkan ayaa sidoo kale laga soo sheegay dalal ku kala yaalla Bariga, Bartamaha iyo Galbeedka Afrika, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah faafitaannadii Ebola ee ugu baaxadda weynaa marka la eego dhulka uu gaaray.
Marka la eego taariikhda cudurkan, faafitaanka hadda ka socda Congo ayaa noqday kii labaad ee ugu weynaa uguna dhimashada badnaa taariikhda Ebola, waxaana ka horreeya oo keliya faafitaankii Galbeedka Afrika ee sannadihii 2014 ilaa 2016, kaas oo haleelay in ka badan 28,600 oo qof, halka ay ku dhinteen in ka badan 11,000 oo qof.
Xaaladdan ayaa sare u qaadday walaaca laga qabo in cudurka Ebola uu sii fido, iyadoo dadaallada lagu xakameynayo ay weli wajahaan caqabado la xiriira amniga, helitaanka adeegyada caafimaadka iyo maqnaanshaha tallaal si gaar ah waxtar ugu leh nooca fayraska ee hadda jira.
From the comments