Baraawe oo Yeelatay Warshad Cusub oo Soo Saarta Ogsijiinta Caafimaadka

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarigga ka jaray warshad cusub oo soo saarta ogsijiinta caafimaadka, taas oo laga hirgeliyey Isbitaalka Guud ee degmada Baraawe. Warshaddan…

Baraawe oo Yeelatay Warshad Cusub oo Soo Saarta Ogsijiinta Caafimaadka

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xarigga ka jaray warshad cusub oo soo saarta ogsijiinta caafimaadka, taas oo laga hirgeliyey Isbitaalka Guud ee degmada Baraawe.

Warshaddan ayaa la filayaa inay wax weyn ka qabato baahida ogsijiinta caafimaadka ee isbitaalka, gaar ahaan bukaannada xaaladaha degdegga ah ku jira iyo dadka qaba xanuunnada u baahan taageerada neefsashada.

Hirgelinta warshaddan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka ee degmada Baraawe iyo deegaannada hoos yimaada, iyadoo kor u qaadaysa awoodda isbitaalka ee bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan caafimaadka, si bulshada Koonfur Galbeed ay u helaan daryeel caafimaad oo la isku halleyn karo.

Munaasabadda xarig-jarka waxaa hoggaamiyaha ku wehliyey xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, oo uu ka mid ahaa Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Warshaddan ayaa qayb ka noqonaysa dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha caafimaadka iyo tayada adeegyada ay helaan bulshada ku dhaqan Koonfur Galbeed.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments