Dhuusamareeb – Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Liibaan Axmed Xasan, ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada Xil-gaarsiinta ah ee Xukuumadda Galmudug, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee maamulka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Shirka ayaa warbixinno looga dhageystay wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Gargaarka iyo Maaliyadda, kuwaas oo soo bandhigay xaaladaha amni, maamulka, dowlad-dhiska iyo dakhliga maamulka Galmudug.
Sidoo kale, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ayaa shirka ku soo bandhigtay warbixin ku saabsan saameynta roobabka Dayrta ee ka da’aya deegaannada Galmudug, baahiyaha gurmadka degdegga ah iyo xaaladaha ay wajahayaan dadka ay roobabku saameeyeen.




From the comments