Golaha Wakiillada Galmudug Oo Aqlabiyad Ku Ansixiyay Xukuumadda Aayo-dhiska

Dhuusamareeb, 25 Nofeembar 2026 – Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Aayo-dhiska Galmudug iyo barnaamijkeeda siyaasadeed. Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan…

Golaha Wakiillada Galmudug Oo Aqlabiyad Ku Ansixiyay Xukuumadda Aayo-dhiska

Dhuusamareeb, 25 Nofeembar 2026 – Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Golaha Wasiirrada cusub ee Xukuumadda Aayo-dhiska Galmudug iyo barnaamijkeeda siyaasadeed.

Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta Golaha Wakiillada horgeeyay xubnaha Golaha Wasiirrada cusub iyo barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadda, kaas oo ka kooban shan tiir oo siyaasadeed oo saldhig u noqonaya qorshaha iyo mudnaanta shaqo ee dowladda.

Hoggaamiyaha ayaa xildhibaannada ka codsaday inay taageeraan xukuumadda cusub iyo barnaamijkeeda siyaasadeed, si ay u hesho kalsoonida sharciyeed ee ay ku gudan karto waajibaadkeeda dastuuriga ah, isla markaana ay u bilowdo hirgelinta qorshayaasha dowladda iyo adeegyada bulshada.

Kulanka oo ka dhacay Kalfadhiga 1-aad, kulankiisa 6-aad, ayaa waxaa soo xaadiray 81 xildhibaan, kuwaas oo dhammaantood codkooda ku taageeray ansixinta Golaha Wasiirrada cusub iyo barnaamijka siyaasadeed ee xukuumadda.

Ansixinta kaddib, waxaa goobta lagu dhaariyay wasiirrada cusub ee helay codka kalsoonida Golaha Wakiillada, taasoo u gogol xaareysa inay si rasmi ah u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Xukuumadda Aayo-dhiska Galmudug ayaa la filayaa inay mudnaanta siiso hirgelinta barnaamijkeeda siyaasadeed, dhismaha dowladnimo waarta iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments