Mararka qaarkood, wejiga qofka ayaa dhibaato u horseedi kara isaga oo aan wax dembi ah gelin, isla markaana aan wax xiriir ah la lahayn qofka uu muuqaal ahaan u egyahay.
Isku ekaanshaha dadka waa arrin dabiici ah oo muddo dheer dunida ka jirtay, balse xaaladaha qaarkood waxay isu beddelaan dhibaato saameyn ku yeelata nolosha, shaqada, sumcadda iyo xitaa xorriyadda qofka.
Dhacdadii ugu dambeysay ee arrintan dib u soo noolaysay ayaa la xiriirta nin dukaanle ah oo ku nool dalka Iiraan, kaas oo muuqaalkiisa si weyn ugu eg ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.
Sawirada ninkan oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa si weyn u soo jiitay dareenka dadka, kaddib markii lagu arkay isaga oo fadhiya dukaankiisa, kuna iibinaya badeecooyin ay ka mid yihiin lowska, miraha la qalajiyey iyo macmacaanka.
Dad badan oo arkay sawirka ayaa la yaabay sida uu ninkani ugu egyahay Netanyahu, waxaana baraha bulshada ka bilowday kaftan iyo falcelinno siyaasadeed, iyadoo qaarkood ay ku tilmaameen inuu yahay Netanyahu oo ganacsi ka furtay gudaha Iiraan.
Sawirka wuxuu si degdeg ah ugu faafay baraha bulshada, waxaana la sheegay in dad qaar ay ku baaqeen in la qaadaco aan waxba laga iibsan dukaankiisa, sababo la xiriira oo keliya inuu u egyahay hoggaamiyaha Israa’iil, balse wararka sheegaya in ganacsigiisa si dhab ah loo waxyeelleeyay weli si madax-bannaan looma xaqiijin.
Dhacdadan ayaa dhalisay dood ku saabsan sida qof aan wax lug ah ku lahayn khilaaf siyaasadeed uu dhibane ugu noqon karo muuqaalka wejigiisa, ayadoo ninkan reer Iiraan ha loo beegsaday keliya u ekaanshihiisa Benjamin Netanyahu.
Arrintan ma aha markii ugu horreysay ee dunida lagu arko dad dhibaato kala kulma isku ekaanshaha wejiyadooda, waxaana taariikhda ku jira dhacdooyin ka sii daran, kuwaas oo dad aan wax dembi ah gelin ay xabsiyo ku muteysteen ama ay noloshoodu burburtay, kaddib markii lagu khalday dad kale.
Mid ka mid ah kiisaska ugu caansan ayaa ka dhacay dalka Mareykanka, waxaana uu la xiriiray nin lagu magacaabo Richard Anthony Jones, waxaana Sannadkii 1999-kii Jones lagu eedeeyay inuu ka qayb qaatay dhac ka dhacay gobolka Kansas, ayadoo markii dambe lagu xukumay xabsi dheer, kaddib markii dad goob-joogayaal ahaa ay sheegeen inuu yahay qofkii falka geystay, balse sannado kaddib waxaa la ogaaday in nin kale oo lagu magacaabo Ricky Amos uu si weyn ugu ekaa Jones, taas oo shaki gelisay saxnaanta xukunkii lagu riday.
Markii sawirrada labada nin la is barbar dhigay, waxaa caddaatay in isku ekaanshahoodu uu ahaa mid aad u weyn, waxaana dib-u-eegis lagu sameeyay kiiska ay ugu dambeyn keentay in Richard Jones uu xorriyaddiisa dib u helo bishii June 2017, kaddib markii uu xabsiga ku qaatay 17 sano dembi uusan gelin.
Kiiskiisa ayaa noqday tusaale caalami ah oo muujinaya khatarta ka dhalan karta in qof lagu xukumo aqoonsi muuqaal oo keliya, islamarkaana uu xabsi dheer u galo arrin uusan shaqo ku lahayn.
Dhacdo kale oo taariikhda caddaaladda Britain galashay ayaa ku saabsanayd nin lagu magacaabi jiray Adolf Beck, kaas oo dhammaadkii qarnigii 19-aad lagu khalday nin kale oo lagu yaqaanay khiyaano iyo xatooyo.
Dad dhowr ah ayaa Beck ku sheegay inuu yahay qofkii hantidooda dhacay, taas oo sababtay in lagu xukumo dembiyo uusan gelin, wuxuuna xabsiga ku qaatay sannado, balse markii dambe ayaa la ogaaday in qofkii dhabta ahaa ee falalkaasi geystay uu ahaa nin kale oo si weyn ugu ekaa.
Arrinta yaabka leh ayaa ahayd in Beck markii dambe mar kale lagu eedeeyay falal uu qofka kale geystay, taas oo muujisay sida khaladka aqoonsigu u burburin karo nolosha qofka.
Sidoo kale, dalka Jarmalka waxaa sannadkii 2022-kii ka dhacay kiis dunida oo dhan soo jiitay, kaas oo ku saabsanaa laba haween ah oo muuqaal ahaan aad isugu ekaa.
Haweeney lagu magacaabo Sharaban K. ayaa lagu eedeeyay inay qorsheysay dilka haweeney kale oo lagu magacaabo Khadija O., iyadoo ujeeddadu ahayd inay iska dhigto qofka dhintay si ay u been-abuurto geerideeda.
Markii meydka la helay, waxaa markii hore lagu khalday Sharaban, balse baaritaanno dheeraad ah ayaa markii dambe bannaanka soo dhigay aqoonsiga dhabta ah ee labada haween iyo qorshaha dembiyeed ee la tuhunsanaa.
Taariikhda fog ee dunidu waxay xambaarsan tahay dhacdooyin la xiriira isku ekaanshaha iyo dadka iska dhigaya shaqsiyaad kale, waxaana mid ka mid ah sheekooyinka ugu caansan ay tahay tii Martin Guerre oo ka dhacday dalka Faransiiska qarnigii 16-aad.
Martin Guerre ayaa sannadkii 1548-kii ka maqnaaday qoyskiisa iyo tuuladii uu ku noolaa, balse siddeed sano kaddib waxaa halkaas yimid nin sheegtay inuu yahay Martin Guerre.
Ninkaasi wuxuu ku guuleystay inuu qanciyo qoyskiisa iyo qaar ka mid ah dadkii yaqaanay, wuxuuna muddo ku noolaa isaga oo adeegsanaya aqoonsiga qofka maqan, hase yeeshee, markii dambe ayaa shakiyo laga muujiyay shakhsiyaddiisa, maxkamad ayaana la horgeeyay.
Dhacdooyinkan waxay muujinayaan in isku ekaanshaha dadka uusan ahayn arrin ku kooban kaftan iyo madadaalo, balse uu mararka qaarkood uu sababi karo cawaaqib culus, ayadoo qofku uu shaqadiisa ku waayi kara, ganacsigiisu dhaawacmi karaa, sumcaddiisa lagu xadgudbi karo, ama xitaa lagu xiri karaa dembi uusan gelin.
Xaaladda maanta jirta ayaa ka sii adag tii hore, maadaama baraha bulshada ay suurageliyeen in sawir ama muuqaal qof laga duubay uu muddo kooban ku gaaro malaayiin qof.
Qof ayaa lagu khaldi karaa siyaasi, hoggaamiye ciidan ama dembiile caan ah, iyadoo aan la sameyn wax baaritaan ah oo lagu xaqiijinayo aqoonsigiisa, waxaana intaas dheer tiknoolajiyadda sirdoonka macmalka ah ee AI, taas oo fududeysay in la sameeyo muuqaallo iyo sawirro been-abuur ah oo lagu dhaawici karo sumcadda dadka.
Dhacdada dukaanlaha reer Iiraan ee Netanyahu lagu khalday waxay xambaarsan tahay fariin ka weyn kaftanka baraha bulshada, waxay muujinaysaa in qofku uusan mas’uul ka ahayn wejiga uu ku dhashay, isla markaana aan lagu ciqaabi karin ama lagu takoori karin sababta oo keliya ah inuu u egyahay qof kale.
Si kastaba ha ahaatee isku ekaanshaha wejiyadu waa arrin dabiici ah, laakiin aqoonsiga qofka, ficilladiisa iyo mas’uuliyaddiisa waa wax isaga u gaar ah, ayadoo aan qofna lagu eedeyn karin dembi uusan gelin, laguna bartilmaameedsan karo khilaaf siyaasadeed ama mid bulsho oo uusan qayb ka ahayn.
From the comments